HomeMadaxweynaha Somaliland Oo  Daah-Furay Shirweynihii u Horreeyey Noociisa Oo Lagu Gorfaynayo Horumarinta...

Madaxweynaha Somaliland Oo  Daah-Furay Shirweynihii u Horreeyey Noociisa Oo Lagu Gorfaynayo Horumarinta Hay’adaha Maaliyadeed Ee Dalka (SAWIRRO)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa  maanta Daah-furay shirweyne ballaadhan oo lagu gorfeynayo horumarinta hay’adaha Maaliyadeed ee gaarka loo leeyahay iyo kuwa Dowliga ah ee dalka ka jira, kaas oo ay wada-jir u soo qabanqaabiyeen Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda iyo Baanka dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

blank

Shirkan oo noqonaya kii ugu horreeyey heerkiisa, ayaa ujeeddadiisu tahay dardargelinta, kobcinta, wada-shaqaynta, is fahanka iyo dejinta habka isku-xidhka hay’adaha maaliyadeed ee dalka, islamarkaana laga dhigi lahaa kuwa isla jaanqaada oo ka wada-tashada sidii looga gudbi lahaa caqabadaha kala duwan ee ku gedaaman, ayaa waxa ka qaybgalay dhammaanba Bangiyada gaarka loo leeyahay ee dalka ka jira, shirkadaha Caymiska iyo is-gaadhsiinta, xubno kamid ah wasiirradda qaranka, Wakiillo ka socday dalalka Turkiga, Jabuuti iyo Itoobiya, khubaro caalami ah oo ku xeeldheer arrimaha maaliyadda, ayaa si qotodheer loogu gorfeeyey  sidii qaranku u yeelan lahaa hay’ado maaliyadeed oo dhinac walba ka horumarsan, isku xidhan oo la jaanqaadi kara kuwa caalamka ka jira.

 

blank

 

Xubno kamid ah hay’adaha arrimaha maaliyadda ka shaqeeya ee dalka ka jira, Baananka gaarka loo leeyahay ee Somaliland gudaheeda ka jira, qaar kamid ah masuuliyiinta shirkadaha gaarka ah iyo ganacsato waaweyn oo reer Somaliland ah oo ugu horrayn madasha ka hadlay, ayaa si isku mid ah u sharraxay baahida loo qabo in horumar ballaadhan iyo dib u habayn lagu sameeyo hay’adaha dhinaca maaliyadda ka shaqeeya ee dalka, islamarkaana wax ka-beddel lagu sameeyo shuruucaha maaliyadeed dalka, lagana dhigo kuwa suurogelin kara in si fudud loo maalgelin karo dalka, bulshaduna ay heli karto habab  casri ah oo ay lacagtooda ku kala heli karaan.

 

blank

 

Wasiirka wasaaradda horumarina maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire iyo guddoomiyaha Baanka dhexe  Prof. Cali Ibraahim Jaamac (Baqdaadi) oo madasha hadallo ka jeediyey, ayaa ku dheeraaday sida ay xukuumadda  ahaan ugu go’an tahay inay hirgeliyaan hay’ado maaliyadeed oo isku xidhan, islamarkaana si hufan u wada shaqeeya, waxana ay hay’adaha gaarka loo leeyahay ee dhinaca maaliyadda ku hawllan ka codsadeen inay dardargeliyaan wada-shaqaynta dhexdooda iyo isfahamkoodaba.

 

Madaxweynaha Jamhuuriaydda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo shirkan daah-furay, ayaa shaaca ka qaaday inay xukuumad ahaan ay ka go’an tahay xoojinta hay’adaha maaliyadda ee gaarka loo leeyahay iyo madax-bannaaniddooduba, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,” Waxa aannu aaminsannahay oo aannu raacsannahay inuu dalku hore u mari karo oo kaliya marka ay hirgalaan hay’addo maaliyadeed oo madax bannaan oo xooggan iyo wasaaraddii iyo baankii dhexe oo shuruucdii iyo kormeerkii oo kaliya leh, waxana aannu aad iyo aad u jecelnahay inaanu Isfahan buuxa yeelanno hay’adaha maaliyadda ee madaxa bannaan.”

blank

 

Madaxweynuhu waxa uu hay’adaha gaarka loo leeyahay ee dhinaca maaliyadda inuu saaran yahay waajib weyn oo qaran, maadaama oo ay dhaqaalihii gacanta ku hayaan, “Baananka madaxa bannaan oo ka hor dhashay kuwa dawladda waxa saaran xil weyn oo ka duwan ka ganacsi  ee ay u abuuran yihiin oo ah xil qaran, marka aynnu doonaynno inuu dalku hore u maro masuuliyadda koowaad iyagaa leh, waayo dhaqaalihii xoogganaa iyagaa leh, marka aynnu doonaynno inuu shaqo-abuur samaynno oo aynnu dhallinyarada shaqo la’aanta ka saarnona masuuliyad dheeraad ah baa idin fuulaysa,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

 

blank

 

Sidoo kale, waxa  uu madaxweynuhu sheegay in xukuumad ahaan diyaar u yihiin inay si dabacsan oo macquul ah kula shaqeeyaan hay’adaha maaliyadda ee madaxa bannaan, islamarkaana  hay’adaha looga baahan yahay inay da’yarta aqoonta leh shaqo abuur u sameeyaan.

 

MUUQAALKAN KA DAAWO JEWIGA MADASHII SAAKA IYO HADALKA MADAXDA KALA DUWAN

 

Ugu dambayntii waxa uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu socdaal kedis ah oo indho-indhayn ah ku tegay suuqa sarrifka ee badhtamaha caasimadda Hargeysa, waxana uu soo indho indheeyey  suuqaas oo ay si habsi leh uga socotay hawsha sarrifku, isaga oo xubno kamid ah bulshada sarrifleyda ahna ka dhegaystay warbixinno ay kaga warramayaan isbeddelka sarrifka iyo kor-u-kaca ku yimi lacagta Shilinka Somaliland.

 

 

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories