HomeMadaxweynaha Somaliland oo Daah-furay Shirweynihii u horeeyey noociisa oo lagu gorfaynayo Arrimaha...

Madaxweynaha Somaliland oo Daah-furay Shirweynihii u horeeyey noociisa oo lagu gorfaynayo Arrimaha Caafimaadka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta daah-furay Carwo dhinaca caafimaadka ah oo lagu soo bandhigi doono adeegyada ay bixiyaan Mihnadleyaasha iyo xarumaha Caafimaadka ee dalka.

Shirweynaha Caafimaad oo noqonaya kii ugu horeeyey noociisa ee lagu qabto dalka muddadii Somaliland jirtay, waxa soo qaban-qaabiyey Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland oo kaashanaysa urur waddani ah, waxaana socon doontaa muddo shan maalmood ah, iyadoo ay ka qayb-qaadanayaan Mihnadleyaasha Caafimaadka, Goobaha adeegyada Caafimaad u qabta bulshada, hay’adaha Caalamiga ah ee Somaliland ka taageera kalana shaqeeya dhinaca Caafimaadka.

Munaasibadda carwada oo lagu qabtay Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka qaybgalay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, xubno kamid ah golaha wasiirrada, saraakiisha ugu sarraysa wasaaradda horumarinta Caafimaadka,  kullliyadaha kala duwan ee dhinaca Caafimaadka  ee  jaamacadaha dalka ka jiraa leeyihiin, hay’adaha qaramada midoobay ee dhinaca caafimaadka ka shaqeeya, shirkadaha kala duwan ee ka ganacsada agabka caafimaadka, dhakhaatiir iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan, waxana halkaas laga jeediyey hadallo salka ku haya muhiimadda uu caafimaadku nolosha u leeyahay, cudurrada kusoo badanaya bulshada Somaliland iyo dedaalka ay wasaaradda horumarinta Caafimaadku ugu jirto sidii loo daryeeli lahaa caafimaadka bulshada Somaliland.

Drs. Edna Aadan Ismaaciil oo ugu horrayn madasha ka hadashay, ayaa ku dheeraatay muhiimadda ay leedahay daryeelka caafimaadka Bulshada iyo ka wada-tashiga sidii looga hortegi lahaa cudurrada halista ku haya nolosha bulshada reer Somaliland, waxana ay hay’adaha caalamiga ee dhinaca caafimaadka ka shaqeeya ka costaday inay xil gaar ah iska saaraan  sidii meesha looga saari lahaa xannuuno aan hore u jiri jirin oo lagu arkay Hooyooyin iyo dhallaanka reer Somaliland.

Wasiirka wasaaradda Horumarinta Somaliland, Mudane Cumar Cali  Cabdilaahi oo hadal dhinacyo badan taabanaya madasha ka jeediyey, ayaa ku dheeraaday dedaalka ay wasaarad ahaan ugu jiraan daryeelka bulshada ee dhinaca caafimaadka, isaga oo xusay inay wasaaradda uu masuulka ka yahay ku dedaashay sidii adeegga caafimaadka iyo agabka lagama maarmaanka ahba u gaadhsiin lahayd deegaannada caasimadda ka durugsan ee dalka.

Sidoo kale, waxa uu wasiirku shaaciyey in carwada caafimaadka ee ka furantay caasimaddu ay wasaarad ahaan iyagu soo abaabuleen, ugana gol leeyihiin sidii looga wada-tashan lahaa horumarinta caafimaadka oo hawlbawle u ah nolosha ummadda, islamarkaana uu muddo saddex maalmood ah oo ay carwadani socon doonto ay barbar wadayaan shirar kala duwan oo lagu  gorfaynayo caafimaadka guud ee qaranka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi hadal ka jeediyey carwada caafimaadka lagu furayey, ayaa ugu horrayn bogaadiyey bahda caafimaadka ku hawllan, isaga oo  xirfadle kasta oo caafimaadka ka shaqeeya ku sifeeyey mujaahid badbaadinta shacabkiisa nafta u huray, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Inaad shirkan isugu timaaddeen oo ka tashanaysaan sidee ummaddiina loo daaweeyaa iyo sidee loo daryeelaa aad iyo aad baan idiinku hambalyeynayaa, waanan idinku garab gelayaa, waanan idinku dhiirrigelinayaa, waxa kale oo aan doonayaa inaan idiin qiro in Innanta maanta baranaysa Kalkaalisinimada ama ummulisada, ama inanka baranaysa kalkaaliyenimada in haddii cidi mujaahid tahay aad dhammaantiin mujaahidiin tihiin.”

Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu si rasmi ah xadhiga uga jaray carwada caafimaadka, isaga oo mid mid usoo kormeeray goobo ay kulliyada caafimaadka ee qaar kamid ah jaamacada dalka iyo ganacsatada ka ganacsata agabka kala duwan ee caafimaadku kusoo bandhigayeen waxyaabaha ay qabtaan iyo agabka ay keenaan.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Somaliland Md Cumar Cali Cabdilaahi Bade, ayaa 8-dii bishii hore shaaca ka qaaday in maanta oo bishu tahay 16 November si rasmi ah loo daah-furi doono Shirweyne Qaran oo lagu lafa-guri doono Arrimaha Caafimaadka, kaas oo ay bar-bar socoto Carwo dhinaca caafimaadka ah oo lagu soo bandhigi doono adeegyada Caafimaad ee dalka ka jira.

 

 

 

Muuqaalka Hoose ka daawo Hadalka madaxweynuhu ka jeediye munaasibadda

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories