HomeMadaxweynaha Somaliland oo Daah-furay Carwada Wax-Soo-Saarka Wershadaha dalka (SAWIRRO)

Madaxweynaha Somaliland oo Daah-furay Carwada Wax-Soo-Saarka Wershadaha dalka (SAWIRRO)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xadhigga ka jaray carwo ballaadhan oo lagu soo bandhigayey wax soo saarka wershahada waddaniga ah oo lagu qabtay caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

blankMunaasibadda lagu soo bandhigayo wax soo saarka wershadaha dalka, ayaa waxa madaxweynaha kala qayb-galay wefti ballaadhan oo ay hoggaaminayso madaxweyne ku-xigeenka ismaamulka dawladda Deegaanka Oromada ee dalka Itoobiya, Marwo Chaltu Sani Ibraahim oo ay xubno ka yihiin qaar kamid ah wasiirrada maamulka Soomaalida Itoobiya, xubno kamid ah golaha wasiirrada Somaliland, hoggaanka Rugta ganacsiga iyo wershedlayda Somaliland, saraakiisha ugu sarraysa ururka Wershedlayda, hoggaanka xisbiga KULMIYE iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan, waxana madasha lagaga hadlay muhiimadda ay horumarka qaranka u leedahay inay ganacsatadu ku dhiirradaan yagleelidda  wershedo wax soo saar oo dalka laga hirgeliyo si loo kordhiyo wax soo saarka gudaha iyo shaqo abuurka.

Ugu horrayn guddoomiyaha ururka wershedleyda Somaliland, Mudane Maxamed Sheekh oo halkaas ka hadlay, ayaa si kooban u sharraxay ujeeddada carwadan loo qabtay, waxana uu hoosta ka xarriiqay inay wershedley ahaan uga gol leeyihiin in bulshada lagu baraarujiyo isticmaalka wax soo saarka dalka, laguna soo bandhigo tayada waxyaabaha ay soo saaraan wershedaha dalka ka jiraa.

Xoghayaha Rugta ganacsiga iyo wershedlayda Somaliland, Mudane Ibraahim Ismaaciil Cilmi, ayaa isaguna dhankiisa tilmaamay in bulshada looga baahan yahay isticmaalka wax soo saarka wershadaha dalka, taasina fure u tahay inay ganacsatadu ku dhiirradaan inay hantidooda dalka gudihiisa ku maalgeliyaan.

Wasiirrada wasaaradaha horumarinta maaliyadda iyo Ganacsiga iyo wershedaha, Dr. Sacad Cali Shire iyo Mudane Maxamed Xasan Sacad (Saajin) oo madasha ka hadlay, ayaa shaaca ka qaaday inay xukuumad ahaan dedaal badan geliyeen taageerada iyo garabsiinta wershedaha dalka gudihiisa ka jira, islamarkaana ay u sameeyeen cashuur-dhaaf aad u badan, taasina ay marag ka tahay sida ay xukuumadda uga go’an tahay inay dhiirrigeliso wax soo saarka dalka.

Madaxweyne ku-xigeenka ismaamulka Oromada Itoobiya, Marwo Chaltu Sani Ibraahim iyo wasiirka Ganacsiga iyo wershedaha Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, Mudane Bashiir Saafi, ayaa Somaliland ku ammaanay horumarka dhinacyada kala duwan leh ee ka tisqaaday, waxana ay wershedleyda kula dardaarmeen inay wada-shaqayn dhaw la yeeshaan xukuumadda si hore ugu sii mariyaan wax soo saarkooda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa si mug leh u bogaadiyey dedaallada kala duwan ee wershedlayda dalku ku tallaabsadeen, islamarkaana ay xukuumad ahaan taageero buuxda la garab taagan tahay ganacsatada dalka ee ku hawllan wax soo saarka dalka gudihiisa.

Madaxweynuhu waxa uu daaha ka fayday taageerada laxaadka leh ee xukuumaddu la garab taagan tahay dhiirrigelinta wax soo saarka dalka iyo wershedaha dalka gudihiisa ka jira, isaga oo xusay lacago aad u tiro badan oo ay xukuumaddu cashuur-dhaaf ugu samaysay wershedlayda dalka,  “Dawladdu iyada oo aan dhaqaale badan haysanin, haddana sannadkan $14.2 milyan oo dollar oo cashuur-dhaaf ah ayaanu wershedaha siinnay, waxana aannu sugaynaa oo ku rejo weynahay inaanu wixii kale ee aanu kari karno ugu darno, annaga oo rejaynaynaa inay noqdaan kuwa kora oo dalka dhaqaalihiisa  iyo shaqaalihiisu ku xidhnaan doono,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu xadhigga ka jaray carwada wershadaha, waxana uu mid mid u galay wax soo saar kala duwan oo ay carwada kusoo bandhigeen wershedaha dalka ka dhisani.

blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank

 

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories