HomeMadaxweynaha Somaliland Oo Casho-sharaf Ku Maamuusay Safiirro iyo Diblomaasiyiin Dalka u Yimi...

Madaxweynaha Somaliland Oo Casho-sharaf Ku Maamuusay Safiirro iyo Diblomaasiyiin Dalka u Yimi Ka Qayb-galka Carwada Caalamiga Ah Ee Buugaagta Hargeysa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa caawa casho-sharaf qasriga madaxtooyada ugu sameeyey safiirro, diblomaasiyiin, aqoonyahanno iyo qoraayo ka socda dalalka caalamka, kuwaas oo dalka u jooga hawlo la xidhiidha ka qaybgalka carwada caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa oo maalinta berri furmi doonta.

 

Kulanka casho-sharafta ah ee uu madaxweynuhu u sameeyey safiirrada, diblomaasiyiinta, aqoonyahanka iyo qoraayada ka socda dalal ku yaalla qaaradaha kala duwan ee dunida, khudbadana ay ka jeediyeen aqoonyahan Jaamac Muuse Jaamac, safiirka midawga yurub Amb. Nicolás Berlanga Martínez, ayaa waxa ka qayb-galay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, madaxweyne-ku-xigeenka, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), xubno kamid ah golaha wasiirrada, madaxda xarunta dhaqanka ee Hargeysa, qaar kamid ah safiirrada Somaliland ee dalalka caalamka, aqoonyahanno iyo qoraayo reer Somaliland ah iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan.

blank

Ugu horrayn madaxweynuhu waxa uu ku dheeraaday faa’iidooyinka ay Somaliland ka hesho carwada Buugaagta Hargeysa lagu soo bandhigo hibooyinka dhallinyarada iyo dhaqaranka Somaliland, isaga oo hoosta ka xarriiqay in dhammaanba  ka qayb-galayaasha carwada Buugaagta ee Hargeysa ay yihiin saaxiibbo gaar ah oo ay Somaliland leedahay, islamarkaana caalamka gaadhsiiyaan wanaagga iyo nabadda taalla Somaliland.

 

Dhinaca kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu jawaab cad ka bixiyey  guddi ay dhawaan maamulka Muqdisho u magacaabeen wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, isaga oo sheegay inaanay guddidaasi khusaynin Somaliland, waxana uu yidhi, “Maalmahan waxa jira guddi laga magacaabay dawladda Muqdisho oo uu magacaabay madaxweynaha Soomaaliya, guddiga marka la magacaabayo waxa ka horreeya ujeeddada loo magacaabay iyo hawsha loo dirayo, hawsha guddidaas loo diray waa laba qodob, labadaas qodobna midna Somaliland ma khuseeyo, mar haddaanay khusaynna Somaliland ahaan wixii gudahooda ah farogelin maynno.”

 

Madaxweynuhu waxa uu sheegay inuu madaxweynaha maamulka Muqdisho kordhiyey cadaawadda uu Somaliland u hayo tan iyo intii uu xilka yimi, cidda wax tabanaysaana aanay ahayn shacabka reer Somaliland ee dalkooda jooga, “Tabashada cidda wax ka tabanaysa iyo walaalaha la joogaa waa inta isaga  la joogta ee u shaqaysa, markaa hadday inta isaga u shaqaysaa wax ka tabanayaan isagay u taallaa, laakiin Somaliland intii uu madaxweyne Farmaajo xilka yimi waxa ay kala kulantay cadaawad aan hore loo arag 28-kii sanno, kala bixii Somaliland iyo Soomaaliya,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

blank

Madaxweynaha Jamhuuriyadda  Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu gef iyo gardarro ku tilmaamay in madaxweynaha maamulka Muqdisho uu guddiyada uu magacaabay kusoo daro xubno dhalasho ahaan kasoo jeeda Somaliland, waxana uu tilmaamay inaanay Somaliland meteli Karin shaqsiyaad iskood u shaqo tegay oo aan cidna metelini, waxana isaga oo arrintaas ka hadlaya uu yidhi, “Waxa kale oo deelqaaf ah oo aan caqliga gelin guddi buu magacaabay oo uu yidhi Somaliland baannu doonaynaa inaannu lasoo heshiinno, rag Somaliland u dhashay oo isaga la joogana wuu soo magacaabay, taas macnaheeduna waa Somaliland aniga ayey ila joogtaa, hubaashuna waa dadka kula joogaa waa dad Somaliland u dhashay, laakiin aan wadin qaddiyaddii Somaliland iyo go’aankii Somaliland, mana dhici karto inay Somaliland u hadlaan dad Farmaajo u shaqeeyaa, waxase u hadli doona dadkeeda xilalkeeda haya ee ummaddani dooratay ama ay igmatay inay u hadlaan.”

 

Dhinaca kale, waxa uu madaxweynuhu farriin garnaqsi ah u diray axsaabta mucaaridka, waxana uu si cilmiyeysan u sharraxay sida aanay isula jaanqaadi Karin rabitaanka mucaaridka iyo waqtiga hadhsani, “Saaxiibbayaal waqtigii doorashada bisha Augost (Siddeedaad) tobankeeda haddii ay inaga gaadho sharcigu wuxuu dhigayaa in loo gudbiyo guurtida, caawana waxa aynnu joognaa 20-kii Jully, waxa aynnu ku murmaynaanna waa laba halla kordhiyo iyo yaan la kordhin. Saaxiibbaday waxan weydiinayaa ma waxa muhiim ah in guddigga doorashada laba lagu daro mise in doorasho inoo dhacdo,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

 

Ugu dambayntii waxa uu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi sharraxay sida  kaliya ee lagu qaban karo doorasho aan waqtigeedii ka dib dhicin, waxana uu yidhi, “Waxan leeyahay laba halla kordhiyo oo imika sharcigeedii halla bilaabo macquul ma ahee sharcigu sida uu yahay hadda aynnu ku galno, markay aynnu doorashada Baarlamaanka dhammaynonna aynnu kordhinno labada.”

 

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories