HomeMadaxweynaha Somaliland oo Cafis u Fidiyey Maxaabiistii ugu tirada Badnayd iyo Kuwa...

Madaxweynaha Somaliland oo Cafis u Fidiyey Maxaabiistii ugu tirada Badnayd iyo Kuwa laga Reebay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

blankHargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa cafis u fidiyey maxaabiis tiradoodu dhan tahay 800 oo ku xidhan Xabsiyada dalka si loo xakameeyo isla markaana looga hortago caabuqa CoronaVirus.

Maxaabiista cafiska loo fidiyey oo la sheegay inay ka reebban yihiin kuwa dambiyada cul-culus u xidhan, waxa uu madaxweynuhu cafiskooda u gudbiyey hay’adaha garsoorka dalka, Asluubta, iyo wasaaradda Cadaaladda, kuwaas oo uu faray inay ka soo talo-bixiyaan kiisaska maxaabiista si loo kala saaro kuwa dambigoodu culus yahay iyo kuwa u xidhan dambiyada fudud.

Sida ay sheegayaan ilo-wareedyada la xidhiidha tallaabadan madaxweynuhu cafiska ugu fidinayo maxaabiista, waxa uu madaxweynuhu cafiska ka reebay maxaabiista u xidhan kiisaska la xidhiidha Argagixisada, dilalka, Budhcad-badeedda, Ka-ganacsiga Maan-dooriyeyaasha iyo Kufsiga.

Warku waxa uu intaas ku daray in waaxda Xeer ilaalintu ay Talista Ciidanka Asluubta u gudbisay maxaabiista la sii daynayo, kaddib markii ay hay’adaha garsoorku isla eegeen kiisaska ay u xidhan yihiin maxaabiista cafiska madaxweynaha lagu sii dayn karo todobaadkii hore.

Qaar ka mid ah maxaabiista xidhan ayaa la sheegay in Sabtida maanta qaarkood lagu sii daayey cafiska madaxweynaha, in kasta oo aanay jirin digreeto qoraal oo madaxweynuhu ku shaaciyey tirada maxaabiista uu cafiska u fidiyey ee la sii daynayo.

Tirada maxaabiista cafiska loo fidiyey ayaa noqonaysa tiradii ugu badnayd ee madaxweynuhu mar kaliya cafiska u fidiyey, iyadoo sababtu tahay sidii loo xoojin lahaa dedaallada xukuumaddu ku doonayso ka-hortagga Caabuqa CoronaVirus oo si xawli ah u faafaya dunida.

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories