HomeMadaxweynaha Somaliland oo Cafis u fidiyey 574 Maxbuus iyo Sababta

Madaxweynaha Somaliland oo Cafis u fidiyey 574 Maxbuus iyo Sababta

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa wareegto uu maanta soo saaray, waxa uu cafi u fidiyey maxaabiis tiradoodu ku dhow dahay 600 oo ku kala jira xabsiyada dalka.

blankMaxaabiista madaxweynuhu cafiska u fidiyey, ayaa maxaabiis ku xukuman dambiyo fudud, waxa uu madaxweynuhu digreetada uu ku cafiyey ku sheegay in cafiskani aanu wax saamayn ah ku lahayn “xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhalan karta dembiyada ay ku xukunnaayeen”.

Wareegtada madaxweynaha ayaa u qornayd sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-495/042020, Cafis Guud ugu fidiyey Maxaabiista dembiyada aan aadka u cuslayn ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne: Cafis

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Xubintiisa 5aad;

Markaan Arkay: Xeerka Ciqaabta Guud, Qodobkiisa 149;

Markaan Tixgaliyey: Warbixinta Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta ee summaddiisu tahay TCA/G-1/138/2020, kuna taariikhaysan 31/03/2020;

Markaan Arkay: Soo-jeedinta Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ee summaddiisu tahay XIG/JSL/72/2020, kuna taariikhaysan 31/03/2020;

Markaan La-tashaday: Hay’adaha Ay Khusayso;

Waxaan Go’aansaday;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis Guud u fidiyo Maxaabiista dembiyada aan aadka u cuslayn ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan, oo tiradoodu dhan tahay 574 (Shan Boqol iyo Afar iyo Toddobaatan) maxbuus.

Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhalanaysa dembiyadda ay ku xukunnaayeen, sida ku xusan qodobka 92 ee Xeerka Ciqaabta Guud.

Waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista iyo shuruudaha Wareegtadan ku lifaaqan.” Sidaas ayaa lagu sheegay wareegtada madaxweynaha.

Cafiska madaxweynuhu u fidiyey maxaabiista ayaa qayb ka ah dedaallo xukuumaddu ku xakamaynayso fiditaanka Cudurka Covid-19 oo saamayn ku haya caalamka.

Somaliland, ayaa shalay xaqiijisay labadii qof ee ugu horreeyey dalka ee laga helo caabuqa CoronaVirus kuwaas oo laga helay magaalooyinka Berbera iyo Burco.

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories