HomeMadaxweynaha Somaliland oo Cafis u fidiyey 484 Maxbuus oo Xabsiyada dalka ku...

Madaxweynaha Somaliland oo Cafis u fidiyey 484 Maxbuus oo Xabsiyada dalka ku jira

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto uu maanta soo saaray oo summaddeedu tahay JSL/XM/WM/222-650/042021, waxa uu uu Cafis Guud ugu fidiyey Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan.

Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu fadliga curashada bisha Barakaysan ee Ramadan cafis ugu fidiyey 484 maxbuus oo ka mid ah maxaabiista dambiyada fudud ugu xidhan xabsiyada dalka kaddib markii uu tixgeliyey warbixin 5-tii bishan April uu u soo gudbiyey Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta.

Wareegtada madaxweynaha, waxa ay u qornayd sidan:- Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Xubintiisa 5aad;
Markaan Arkay: Xeerka Ciqaabta Guud, Qodobkiisa 149;
Markaan Tixgaliyey: Warbixinta Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta ee summaddiisu tahay TCA/G-1/122/2021, kuna taariikhaysan 05/04/2021;
Markaan Arkay: Soo-jeedinta Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ee summaddiisu tahay XIG/JSL/111/2021, kuna taariikhaysan 06/04/2021;
Markaan La-tashaday: Hay’adaha Ay Khusayso;

Waxaan Go’aansaday; In laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis Guud u fidiyo, bilashada bisha barakaysan ee Ramadaan awgeed, Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan, oo tiradoodu dhan tahay 484 (Afar Boqor iyo Afar iyo Siddeetan) maxbuus.

Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhalanaya, sida ku xusan qodobka 92aad ee Xeerka Ciqaabta Guud. Waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista ee halkan ku lifaaqan.” Sidaas ayuu madaxweynuhu ku yidhi wareegtadiisa.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories