HomeMadaxweynaha Somaliland oo Cafis u fidiyey 279 Maxbuus

Madaxweynaha Somaliland oo Cafis u fidiyey 279 Maxbuus

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa wareegto uu maanta soo saaray oo summaddeedu tahay JSL/XM/WM/222-697/072021 cafis ugu fidiyey maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan.

Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu wareegtada ku sheegay in maanta oo taariikhdu tahay 19-ka bisha July 2021 uu cafis u fidiyey 279 maxbuus oo ku jira xabsiyada dalka, waxaanu xusay inaanu cafiskani saamayn ku lahayn xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhalanaysa dembiyadda ay ku xukunnaayeen.

blank
madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.jpg

Wareegtada madaxweyne Muuse Biixi maanta soo saaray oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay war-qabadka Somaliland, ayaa u qornayd sidan:-

“Wareegto Madaxweyne: Cafis

Markaan Arkay:                Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Xubintiisa 5aad;

Markaan Arkay:                Xeerka Ciqaabta Guud, Qodobkiisa 149;

Markaan Tixgaliyey:        Warbixinta Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta ee summaddiisu tahay TCA/G-1/208/2021, kuna taariikhaysan 17/07/2021;

Markaan Arkay:                Soo-jeedinta Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ee summaddiisu tahay XIG/JSL/192/2021, kuna taariikhaysan 17/07/2021;

Markaan Tixgaliyey:        Munaasibaadda Ciidal Adxa awgeed ee sannadka 2021, kuna beegan 1442;

Waxaan Go’aansaday;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis Guud u fidiyo Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan, oo tiradoodu dhan tahay 279 (Laba Boqol Sagaal iyo Toddobaatan) maxbuus. Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhalanaysa dembiyadda ay ku xukunnaayeen, sida ku xusan qodobka 92aad ee Xeerka Ciqaabta Guud.

Cafiskan waxa fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista. “ Sidaas ayuu madaxweynuhu ku yidhi wareegtada uu cafiska guud ugu fidiyey maxaabiista oo ku soo beegmaysa iyadoo maalinta Berri ay ku beegan tahay Ciidul-Adxa.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories