HomeMadaxweynaha Somaliland oo cadow Karaamada Qaranimada meel kaga dhacaya ku sifeeyey qofka...

Madaxweynaha Somaliland oo cadow Karaamada Qaranimada meel kaga dhacaya ku sifeeyey qofka u badheedha waxyeellaynta Ciidamada Qalab-sida

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ka hadlay Allaah ha u naxariistee dilka Taliyihii Saldhigga Booliska Degmada Arabsiyo Cabdi Ismaaciil Cali (Cabdi-Case) oo shalay galabtii ku geeriyooday Cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, ka dib markii dhaawac ka soo gaadhay Toogasho uu kula kacay mid ka mid ah Askarta Saldhiggaas ee uu xukumayey, kaasoo gelinkii hore ee isla Salaasadii shalay uu Rasaas ku furay iyagoo ku sugnaa gudaha magaalada Gabiley.

siilaanyoMadaxweynuhu waxa uu Allaah uga baryey inuu Naxariistii Janno ka waraabiyo, Samir iyo Iimaan-na ka siiyo Qoyska, Ehelka, Asxaabta, Qaraabada, Ciidammada iyo guud ahaan Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu sheegay cidda dhaawac ama dil gaadhsiinaysa Masuuliyiinta Ciidammada inay yihiin cadaw duullaan ku ah Sharafta, Karaamada iyo Haybadda Qarannimada ee ay huwan yihiin Ciidammadu.

Waxa uu madaxweynuhu sidaas ku sheegay War-Saxaafadeed xalay ka soo baxay Xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul, kaasoo u qornaa sidan: “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo, waxa uu Tacsi u dirayaa Ciidanka Booliska Somaliland, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Taliyihii Saldhigga Booliska ee Degmada Arabsiyo ee gobolka Gabiley, Marxuum Cabdi Cismaan Xaaji Cali (Cabdi-Case) oo u geeriyooday togasho uu u geystay Askari ka mida Ciidammadii uu xukumayey ee Saldhigga Arabsiyo, kaasoo gacanta lagu dhigay gacan ku dhiiglihii falkaasi geystay.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in Ciidamada qalabka sidaa ay u taagan yihiin sharafta iyo haybadda Qaranka, cidkasta oo dhaawac ama dil u geysataana ay ku xad-gudbayso sharaftii Qaranka ee uu huwanaa, waxaanu intaasi ku daray in Askariga dilkaasi geystay sharciga deg-deg loogu fulinyo.

Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Ciidanka Booliska Somaliland, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay samir iyo iimaan Saadiqa ka siiyo,” ayaa lagu yidhi War-Saxaafadeedka.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories