HomeMadaxweynaha Somaliland oo caawa Kulan-weyne Aayo-ka-tashi Qaran ah isugu yeedhay Hal-doorka Siyaasiyiinta...

Madaxweynaha Somaliland oo caawa Kulan-weyne Aayo-ka-tashi Qaran ah isugu yeedhay Hal-doorka Siyaasiyiinta & Odayaasha dalka iyo Arrimo Xaasaasi ah oo lagu soo qaaday (DAAWO SAWIRRO)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa caawa kulan ballaadhan la qaatay siyaasiyiinta ugu miisaanka culus dalka ee xilligan ku jira siyaasadda dalka iyo kuwo hore xilal uga soo qabtay dowladihii kala dambeeyey, waxaana kulankaas lagaga hadlay xaaladda dalku wakhtigan marayo.

2Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada, Siyaasiyinta iyo Sakhsiyaadka madaxweynuhu caawa la kulmay waxa ay si weyn uga wada-hadleen xaaladda dalka ee xilligan, gaar ahaan colaadda beelaha walalaalaha ah ku dhexmartay deegaanka Ceel-Afweyn iyo Dagaal shalay dhexmaray Ciidamada Qarana iyo kuwa maamul-goboleedka Puntland.

War-saxaafadeedka ayaa u qornaa sidan: “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu caawa oo ay bishu tahay 16 May 2018 iskugu yeedhay shir-weyne ka kooban Madaxda maanta talada haysa iyo madaxdii hore dalka ka soo talin jirtay, Saddexda Xisbi Qaran, Shir-guddoonka Labada Gole ee Baarlamaanka JSL iyo Talo-qabeenka dalka, oo ay ka mid ahaayeen:

  1. Madaxweyne Ku-xigeenka JSL, Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici)
  2. Madaxweynihii hore ee JSL, mudane Daahir Rayaale Kaahin
  3. Gudoomiyaha Maxkamada Sare, Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed
  4. Guddoomiyaha golaha guurtida, mudane Saleebaan Maxamuud Aadan
  5. Guddoomiye Ku-xigeen kowaad ee golaha wakiilada, mudane Axmed/yaasiin Sh. Cali Ayaanle
  6. Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee JSL, Mudane, Xasan Ciise Jaamac
  7. Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee JSL, Mudane, Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax
  8. Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee JSL, Mudane  Axmed Yuusuf Yaasiin
  9. Prof. Cali Khaliif Galaydh
  10. Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe
  11. Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Xisbiga KULMIYE, mudane, Axmed Cabdi Dheere
  12. Guddoomiye Ku-xigeenka xisbiga Waddani, ahna ku simaha gudoomiyaha xisbiga Mudane Cabdiqaadir Xuseen Jirde
  13. Guddoomiye Ku-xigeenka xisbiga waddani, mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed
  14. Wasiirka Arrimaha Dibeda, Dr Sacad Cali Shire
  15. Siyaasi Maxamed Carraale Duur
  16. Mudane Maxamed Cabdillahi Uurcade

Ujeedada kulankuna waxa uu ahaa in Qaran ahaan laga arrinsado xaaladda dalka ka taagan iyo in talo-qaran oo midaysan laga yeesho dhammaan duruufaha dalka maanta ku gadaaman. Waxaana shirkaasi ka soo baxay oo la isla qaatay lixdan qodon:

  1. In colaada deegaanka Ceel-afweyn loo soo afjaro sida ugu dhakhsaha badan, isla markaana Qaranka oo dhan ka gurmado arrintaa si wada jir ah.
  1. In xannafta iyo kala fogaanshaha siyaasiga ah ee ka dhashay doorashadii madaxtinimo ee dalka ka qabsoontay la iska bogsiiyaan Xukuumadda iyo Axsaabta Qaranku.
  1. In colaada iyo dagaaladda ay ka huriyeen deegaanka Tukaraq Maamulka Puntland iyo Dawladda Soomaaliya meel looga soo wada jeesto, oo si heer Qaran ah loo waajaho dawlad shicib iyo axsaab qaran ba.
  1. In kor loo qaado xawliga dhaqan-gelinta mashaariicda horumarineed ee loogu talo galay deegaannada gobollada barriga.
  1. In beesha Caalamku ogaato in gar-darro qaawan iyo dagaalba ay dawladda Soomaaliya ka bilowday, kana hurisay deegaanno hoos yimaada Tukaraq oo ka tirsan dhulka Jamhuuriyadda Somaliland.
  1. In beesha Caalamku ogaato in Jamhuuriyadda Somaliland ay mar kasta u taagan tahay nabad iyo daris wanaag ka hirgala guud ahaan gobolka Geeska Africa iyo gaar ahaan xuduudaha u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, balse lagu war-gelinayo in Jamhuuriyadda Somaliland iyo shicibkeeduba diyaar u yihiin in ay iska difaacaan gar-daro iyo dagaal kasta oo lagu soo faro-galiyo xuduudaha lama-taab-taanka ah ee Jamhuuriyadda Somaliland ka dhaxashay Isticmaarkii Boqortooyadda Ingiriiska, Axdi Qarameedka Midowga Afrikana waajibinayo.

Waxaanu kulankaasi ku soo gebegaboobay jawi wanaagsan iyo isfahan qarannimo oo ku tiirsan wada jirka danaha qaranka Somaliland iyo danta shacabkiisa in gacanta la isu qabsado iyadoo loo dhan yahay.”

4 3 2 1 5 IMG_3999 IMG_3961 IMG_3948 IMG_3921
IMG_3977

IMG_3947

IMG_3932

IMG_3931

IMG_3928

IMG_3926

IMG_3925

IMG_3922

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories