HomeMadaxweynaha Somaliland oo Buriyey Digreetooyinka Madaxweynayaashii ka horeeyey, wasaaradda Hawlaha Guudna Awoodo...

Madaxweynaha Somaliland oo Buriyey Digreetooyinka Madaxweynayaashii ka horeeyey, wasaaradda Hawlaha Guudna Awoodo badan siiyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu xeer madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/XERM/249-1369/102012, oo uu soo saaray caawa uu ku cadeeyey in  Hay’adda Waddooyinka Somaliland (SRA), la hoos geeyey wasaaradda Madaxtooyada JSL, Magaceeduna uu noqon doono Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka (Road Development Agency (RDA)

Maxdaxweynuhu:-

Markuu arkay;              Qodobka  90aad  ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,

Markuu dersay;       Baahida loo qabo in La dejiyo Hay’ad si wax tar leh wax uga qabata sahaminta, horumarinta, dhisidda iyo qorshaynta Wadooyinka cusub ee isku xidha Magaalooyinka.

Markuu tixgeliyay;   Ahmiyadda weyn ee  Horumarinta Waddooyinku ugu fadhiyaan koboca dhaqaalaha dalka JSL,

Markuu tixgeliyey;   Talada Wasiirka Wasaraadda Hawlaha Guud iyo Guriyeynta, Guddoomiyaha Hay’adda Waddooyinka iyo La-taliyaha Hay’adda Waddooyinka,

Markuu garwsaday;      Inay tahay waqti ku habboon in la dhiso Wakaalad horumarisa oo daboosha baahida waddooyinka,

Isago maanka ku haya; Dib-u-habaynta, Horumarinta Hay’adda Wadooyinku in ay Qaranka muhiim u tahay,

Wuxuu soo saaray Xeerkan

 

Qodobka 1aad;

1.         Waxa uu  tirtiray Guddida Maamulka Waddooyinka  (RoSAB), Hay’adda Waddooyinka Somaliland (SRA), iyo Sanduuqa Dhaqaalaha Wadooyinka (RFA).

2.      Waxa uu laalay Wareegtada  Madaxwayne ee sumadeedu tahay No.29/32000  ee soo baxday 6 March 2000.

3.      Hawsha dayactirka waddooninkana, waxa uu Xeerkani u wareejiyey Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyeynta JSL, dakhliguna waxa uu uga imanaya qaybta ay ku leedahay (%) Cashuurta wado marista (R/Levy), Liisamada Gaadiidka (L/Levy) iyo wixii Deeq dayactir ah ee laga helo deeq-bixiyayaasha.

Qodobka 2aad;   Waxa Xeerkan lagu aasaasay Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka (Road Development Agency (RDA)) oo hoos imananaysa Wasaaradda Madaxtooyada JSL, isla markaana yeelanaysa Maareeye Guud.

Qodobka 3aad;   Wakaaladan waxa loo aasasay si ay u horumariso  shabakadda wadooyinka Qaranka (National Road Network),  una dejiso hannaan lagu horumariyo waddooyinka.

Qodobka 4aad;   Xilka  iyo waajibaadka   Wakaaladdu  waa;

1.         Isku duwidda barnaamijyada horumarineed ee Waddooyinka Somaliland.

2.      Sahaminta, isku xidhka  iyo dejinta hannaanka  dhismaha Waddooyinka.

3.      Isku duwidda iyo isku habaynta barnaamijyada ku aaddan horumarinta Waddooyinka.

4.      Maamulidda deeqaha iyo hantida  lagu horumarinayo  Waddooyinka.

5.      Hubinta in hantida loo isticmaalay hab sax ah oo waxtar u leh Waddooyinka.

6.      Ka talo-bixinta arrimaha la xidhiidha qorshaynta, dhisidda iyo hagaajinta Waddooyinka.

7.       Diyaarinta siyaasad qaran oo ku aaddan horumarinta Waddoyinka.

8.      Codsashada kaalmo gudeed iyo mid dibedeedba.

9.      Maamulidda maaliyadda iyo samaynta xisaabo u gaar ah.

Qodobka 5aad;

1.         Maareeyaha Wakaalada  waxa soo magacaabaya Madaxweynaha JSL.

2.      Mareeyaha Wakaaladdu  waa sarkaalka maamulka iyo maaraynta Wakaaladda.

Qodobka 6aad;   Maareeyaha wakaaladdu  wuxuu u xilsaaran yahay:

1.         Fulinta go’aamada ka soo baxa Wasaaradda.

2.      Wadidda hawl maalmeedka Wakaaladda.

3.      Haynta raadraaca  xisaabaadka, iyada oo la raacayo hab xisaabeedka laamaha dawladda.

4.      La-saxeexidda jeegagga iyo foojarada Wasiirka iyo Agaasimaha Maamulka (Waxay ku baxayaan saddex saxeex), maamulidda maaliyadda iyo miisaaniyadda.

5.      Diyaarinta warbixin sandeedka Wakaalada.

Qodobka 7aad;

1.         Wakaaladdu waa in ay diyaarisaa warbixin sanadeed iyo xiligii loo baahdo, warbixintaas oo koobaysa  wax-qabadka iyo hab-xisaabeedka Wakaallada.

Qodobka 8aad;               Qorista  shaqaalaha Wakaaladda waxa loo raacayaa Xeerka Shaqaalaha Dawladda

Qodobka 9aad;

           1.         Dakhliga Wakaaladdu waxa uu ka imanaya  qaybta ay ku leedahay miisaniyadda Qaranka, qaybta ay ku leedahay Cashuurta Shidaalka (F/Levy)  iyo wixii deeqo ah ee soo gala.

          2.      Habka maamulka maaliyada waxa loo racaayaa hanaanka Xeerarka maaliyada ee dalka.

Qodobka 10aad;              Wakaaladu waxay yeelanaysaa waaxaha lagama Maarmaanka u ah hawl gudashadeeda, waxaana Xeer ku soo saaraya Wasiirka.

Qodobka 11aad;               Xeerkani waxa uu dhaqan gelayaa marka MadaxwaynuhuSaxeexo.

AXMED SALEEBAAN DHUXUL

AFHAYEENKA MADAXTOOYADA SOMALILAND

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories