HomeMadaxweynaha Somaliland Oo Booqday Danyarta Ku Hareeraysan Dhaamamka Daami iyo Jig-jiga Yar ee Caasimadda...

Madaxweynaha Somaliland Oo Booqday Danyarta Ku Hareeraysan Dhaamamka Daami iyo Jig-jiga Yar ee Caasimadda Hargeysa (MUUQAAL+SAWIRRO)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa booqasho gaaban oo uu ugu kuur-gelayey xaaladda dadka danyarta ah ee ku hareeraysan Balliyada Daammi iyo Jig-jiga yar oo ay biyo badani fadhiyaan maanta gelinkii hore halkaas ku gaadhay, waxaana  uu indhihiisa kusoo arkay baaxadda biyaha fadhiya Ballliyadaas, kuwaas oo u baahan in xal degdeg ah loo helo.

3Madaxweynaha oo ay booqashadiisa uu ugu kuur-gelayey xaaladda dadka danyarta ah ee balliyada caasimadda ku hareeraysan  ay ku wehelinayeen xubno ka socda maamulka sare ee dawladda Hoose ee caasimadda Hargeysa oo uu hoggaaminayo maayarka Caasimadda, Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), ayaa indhihiisa ku arkay halista ay biyaha Balliyadaas Daammi iyo  Jig-jiga yar fadhiyaa ku keeni karaan nolosha dadka iyo hantida deriska la ah iyo guud ahaan midda dadka caasimadda ku nool, waxaana uu madaxda dawladda Hoose oo iyagu hawshan masuuliyaddeeda u xilsaaran faray inay sida ugu dhakhsaha badan biyaha fadhiya u dhaqaajiyaan, una jabiyaan moosaska biyo-celiska ah, isla markaana goobahaas laga raro dhammaan dadka deggen, si noloshooda iyo maalkoodaba looga badbaadiyo halis ay biyahaasi ku keenaan.

 

Ugu horrayn,  waxa madaxweynaha warbixin ku saabsan sida ay dawlad Hoose ahaan uga hawlgaleen halista biyahaas iyo xalkii meesha lagaga saari lahaa la wadaagay xildhibaan Maxamed Warsame Caalin (Tima-cadde), waxaana uu sheegay inay diyaariyeen cagafyadii iyo agabkii kale ee biyahaas lagu jabin, lahaa, isla markaana ku hawllan yihiin sidii dadkaas meesha looga rari lahaa.

 

Maayarka caasimadda Hargeysa, mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), oo isaguna halkaas hadal ka jeediyey, ayaa madaxweynaha hortiisa ka ballan-qaaday inay rari doonaan dhammaanba dadka deggenka ku ah agagaarka balliyada Daammi iyo Jij-jiga yar oo danyar u badan, islamarkaana ay diyaarin doonaan iliiladihii ay biyuhu mari lahaayeen marka moosaska celinaya laga jabiyo, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Madaxweyne maanta waxaanu muddo ku siinnay dadka deggen agagaarka Balliga Daammi inay diyaar garoobaan oo aanu meesha ka rarno oo balliga dushiisa la banaynayo, kaddibna balligan oo  magaalada mushkilad ku haya  iyo labada kale ee Xero-digaagta iyo Qudhax-dheerba aanu biyaha ka jabinno oo aanu biyahaas u samaynno Iliilado ay maraan si ay dooxa ugu dhacaan.”

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kaddib u kuur-galkiisa waxa awaamiir faray madaxda dawladda Hoose ee caasimadda Hargeysa, waxaana uu ku adkeeyey inay sida ugu dhakhsaha badan biyaha fadhiya loosii daayo, islamarkaana loo raro dadka agagaarka balliyada deggen, si loo badbaadiyo nafahooda iyo maalkoodaba, waxana uu yidhi,  “Waxan idin farayaa cirkii wuu cusub yahay, balliguna wuu buuxaaye in aanay biyahaasi magaalada ku jabin oo la furo biyaha fadhiya, dadka deggenna sidii meel loo geyn lahaa oo khatarta looga badbaadin lahaa aad qabataan, 24-ka saacadood ee aynu joogno daruurtaa taagan, Biyahaas buuxa iyo magaalada waa inaad kala furtaan, ciidankaad doontaanna dirsada”

https://youtu.be/j1LHageO2nk

Socdaalka madaxweynaha, ayaa ujeeddadiisu ahayd, sidii uu xog-ogaal ugu noqon lahaa xaaladda dadka danyarta ah ee ku  hareeraysan Balliyada biyuhu fadhiistaan ee gudaha caasimadda Hargeysa,  isla markaana uu waqtigan  xilli-roobaadka ah xidhiidh toos ah ula yeelan dadka banyaalka u ah dhibaatooyinka roobku sababi karo

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories