HomeMadaxweynaha Somaliland Oo Booqday Askar ku Dhaawacantay Dagaalka Laascaanood

Madaxweynaha Somaliland Oo Booqday Askar ku Dhaawacantay Dagaalka Laascaanood

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa kormeer uu xaaladdooda ku indho-indhaynayo ugu tagay qaar ka mid ah askarta Ciidanka Qaranka ee dhaawacyadu ka soo gaadheen dagaalka magaalada Laascaanood ku dhex-maray malleeshiyaadka ka amar-qaata Garaaddada ku sugan xarunta gobolka Sool.

War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Somaliland, ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu booqasho ugu tagay bukaan-jiifka ku sugan Cusbitaallo ku yaalla Hargeysa.

War-saxaafadeedka ayaa u qornaa sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa u kormeeray Cusbitaalka guud ee Hargeysa iyo Cusbitaalka Ciiddamada Qaranka ee Birjeex, waxaanu inta badan dul-istagay bukaan jiifka oo dhan, waxaanu ugu duceeyay in u illaahay caafimaad deg-deg ah siiyo dhamaantood. Isla markaarna waxa u Madaxweynuhu mid mid u gacan qaaday geesiyaashii Qaranka ee ku soo dhaawacmay Laascaanood, isagoo u kuurgalay mid walba xaaladiisa caafimaad, dhakhaatiirtii u adeegaysayna madaxwaynuhu wuxuu u sheegay in ay dawladu waxwalba u hurayso daryeelkooda caafimaad. waxaana uu ugu duceeyay in illaahay caafimaad deg-deg ah siiyo, kuwii naftooda u huray difaaca dalka iyo dadkana naxariistii janno Alle ka waraabiiyo.

Sidoo kale Madaxwaynhu waxa u cadeeyaay in geesiyaasha Qaranaka ee dhawaaca ah dawladdu u hurayso wax walba daryeelkooda caafimaadkooda ismalarkaana daryeelka qoysaskii geesiyaasha naftooda huray uu yahay waajib saaran Qaranka Somaliland.

Ugu danbayna Madaxwaynuhu waxa u bogaadiyaay sida fiican ee bahda Caafimaadka oo ay hoggaaminayso Wasaaradda Horumarinta Caafimaadku uga hawl-galeen gurmadkii caafimaad, iyagoo si waddannimo ah uga shaqaynaayey Cusbitaalada, Oog, Caynaba, Burco iyo Hargaysaba.” Sidaas ayaa lagu sheegay qoraalka ka soo baxay madaxtooyada Hargeysa.

blank blank blank blank blank blank

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories