HomeMadaxweynaha Somaliland Oo Booqday Aasaarta Qadiimiga Ah Ee Laas-Geel, Xadhigana Ka Jaray...

Madaxweynaha Somaliland Oo Booqday Aasaarta Qadiimiga Ah Ee Laas-Geel, Xadhigana Ka Jaray Dayactir Iyo Ceelal Laga Hirgeliyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Laas-geel (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa booqday goobta Aasaarta qadiimiga ahi ku duugan tahay ee Laasgeel, waxana uu soo indho-indheeyey xaaladda ay sugan tahay goobtan taariikhiga ah ee dalxiiska loo tago.

 

Madaxweynaha oo ay weheliyaan xubno kamid ah golaha wasiirrada, madax-da dhaqanka, siyaasiyiin, maamulka gobolka Maroodi-jeex iyo ka degmada Laas-geel, ayaa gelinkii dambe ee shalay goob-goob u galay meelaha taariikhiga ah ee ku yaalla Laas-geel, waxanu indhihiisa ku arkay waxyaabaha taariikhiga ah ee halkaas ku sugan, kuwaas oo soo jiita dalxiisayaasha dunida dacalladeeda ka yimaadda.

laasgeel muuse biixi (3)

Ugu horrayn xubno kamid ah maamulka degmada Laas-gaal oo iyagu gacanta ku haya goobaha Aasaarta qadiimiga ahi taallo oo uu ugu horeeyo gudoomiyaha degmada Laas-geel Mustafe Ibraahim Cismaan (Jebiye) oo halkaa ka hadlay, ayaa madaxweynaha uga warbixiyey waxyaabaha taariikhiga ah ee deegaankaasi caanka ku yahay iyo weliba godad iyo dhagaxaan baaxad leh oo la filayo inay hoy iyo qasriyo u ahaayeen ummado hore halkaas u degenaa kumannaan sano ka hor.

 

Wasiirka wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo dalxiiska, Mudane Maxamud Xasan Saacid (Saajin), ayaa isaguna dhinaciisa faahfaahiyey muhiimadda ay qaranka u leedahay goobta taariikhiga ah ee Laas-geel, waxana uu tilmaamay inay wasaarad ahaan ilaalinteeda xil weyn iska saareen, kuna wareejiyeen deyr weyn iyo laydhka ku shaqeeya tamarta cadceeda oo qayb ka ah tallaabooyinka ay ku doonayaan inay goobtan ka dhigaan meel lagu soo hirta oo ay u dhammaystiran yihiin wax kasta oo ay dadka dalxiisayaasha ahi u baahan yihiin.

laasgeel muuse biixi (2)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa isaguna ugu horrayn waxa uu u mahadnaqay guud ahaanba hay’adaha Dalxiiska iyo cidkasta oo hawshaas ku shaqo leh, gaar ahaan dadka ilaaliya goobaha Laas-geel, waxana uu tilmaamay inay Somaliland caan ku tahay buqcad caan ku ah dalxiiska, islamarkaana loo baahan yahay in laga faa’iidaysto.

laasgeel muuse biixi (1)

Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xarriiqay in dalxiisku yahay Il dhaqaale oo dalka dakhli badani kasoo geli karo, islamarkaana ay Somaliland leedahay goobo badan oo loo dalxiiso,  “Waxan qabaa inuu dalxiisku yahay meel aynnu dhaqaale faro badan ka heli karno oo macdanta la daydayayo iyo xoolaha aynnu dhaqanno in badan ka badan karta, haddii aynnu helno farsamadeeda, waayo waxa aynnu leenahay dhul adduunka oo dhammi yaqaanno oo dalxiiska caan ku ah oo haddii aynnu habaysanno, dadkeedii noqonno oo dadka inoo imanayaa ay inaga helaan nabad iyo wax wada-qabsi aynnu lacag badan ka helayno, oo gobollada oo dhan ah,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories