HomeMadaxweynaha Somaliland Oo Booqasho Ugu Tegay Dufcadda Saddexaad Ee Dhalinyarada Shaqo Qaran

Madaxweynaha Somaliland Oo Booqasho Ugu Tegay Dufcadda Saddexaad Ee Dhalinyarada Shaqo Qaran

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Dararweyne (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta oo Jimce ah shaqada qarankana laga nasanayey wuxuu wakhti la soo qaatay Dufcadda saddexaad ee Barnaamijka shaqo qaran ee ku jira dugsiga Carbiska Tababarka Shaqo Qaran ee Darar-weyne.

blankUgu horayn waxa madaxweynaha ku soo dhaweeyey hadalka agaasimaha barnaamijka shaqo qaran Mudane Maxamed Xuseen Cismaan (Mu’adinka) oo madaxweynaha warbixin ka siiyey heerka ay marayso dufcadii saddexaad ee shaqo qaran oo dhawaan qalin-jebin doonta.

Waxaanu madaxweynuhu dhalinyaradda u jeediyey Khudbad muhiima oo la xidhiidha muhiimada laga leeyahay in qarankan ay u soo baxaan dhalinyaro fahansan qiimaha waddaniyada. waxaanu yidhi madaxweynuhu “Waxaan aad iyo aad idiinku hambalyeynayaa dhalinyarada shaqo qaran ee tababarka ku jirta inaad doorateen inaad shaqo qaran noqotaan oo dalkiina u shaqaysaan, taasoo ka makhraati kacaysa inaad tihiin da’a yar dalkooda jecel oo annigu maxaan helayaa ka horumariyey dalkaygu muxuu helayaa, inaad fekerkaa qaadateen oo diyaar u tihiin inaad dalkiina mustaqbalka u shaqaysaan, Waxaan aad iyo aad idiinku hambalyeynayaa intii aad halkan ku jirteen oo uu dalka ka jiray Cudurkii Covid19 oo muddada intaa leeg xidhnaydeen, adkaysiga intaa aad u dul qaadateen ee caafimaadkiina ku ilaaliseen iyo madaxda xerada oo iyaguna u diiday cid idiin soo gasha oo dayrka soo dhaafta taasoo Waalidkiin, Saaxiibadiin iyo xaasaskiinii inaad intaa ka xidhnaydeen samirka aad u qaadateena waan idinku hambalyeynayaa”.

blankMadaxweynaha oo sii wata khudbadiisa ayaa dhalinyarada u sheegay inay maanta ugu yimaadeen booqasho waxaanu yidhi “Maanta waa Jimce waxaan u nimi inaan wada qadayno in aan idin soo eegno oo maanta wada joogno oo wada qadayno ayaanu idiinku nimi, shaqo qaran waad akhrideen waa laydinka horeeyey, waad ogtihiin waxaad qabanaysaan, Xeradan Alle haka abaal mariyee waxaa dhisay Ciidanka Qaranka, iyagaa bilaabay qorshaha iyagaa lahaa duruusta lagu dhigaayo iyo falsafada ka danbaysa oo dhana iyagaa lahaa”.

Waxaanu Madaxweynuhu dhalinyarada u sheegay in la doonayo in shaqo qaran ay noqoto mustaqbalka dhaw meel qaranka oo dhan lagu tababaro waxaanu yidhi “Shaqo qaran maaha dhalinyarada oo qudha, xeradan waxa loogu tallo galay oo loo sameeyey Hoolalkan, Qalabkan iyo adeegan waxaa loo samaynayaa in halkani noqoto in qaranka oo dhan lagu tababaro, ciddkasta oo hawsha qaranka u tababaranaysa, Wasaaraddo, Akadamiyaddo, Ciiddamo inay noqoto halkani Saldhiga Akaadami oo isku xidha qaranka, waxa la yidhaahdo dawladd wanaaga iyo sharciga dalka (Civil Education) dadka lagu baraayo dawladnimada iyo sharciga inaynu dhammaan isku xidhnaanno waa xarunta laga doonayo inay noqoto mustaqbalka”.

blankMadaxweynaha Jamhuuriyaddu waxa uu u mahad naqay hoggaaminta wanaagsan ee uu la yimi Agaasimaha Barnaamijka Shaqo Qaran Maxamed Xuseen Cismaan (Mu’adinka) waxaana uu markale yidhi “Muddo gaaban waynu arkaynaa Ilaahay mahadii dhismaha inoo hirgalay iyo adeega inoo hirgalay iyo inta ay leedahay, mustaqbalka dhaw waxaan filaynaa in kumanaan isdaba joogaa kasoo baxaan taana waxaa mahadeeda leh dadkii aqoonta weyn u lahaa Ciidamada ee qorshahaa dheer inoo dejiyey iyo dhalinyaradii kasoo qeyb gashay kuwii u horeeyey iyo Agaasimaha Barnaamijka Shaqo Qaran, ninkaasi oo keenay hoggaamin aad iyo aad u wanaagsan intii uu halkan hayey, isagana ay sharaf u tahay intii halkan ka baxday maanta ay u arkaan Macalinkoodii meel walba oo ay joogaan ku ixtiraamaan.

blank

Madaxeynuhu waxa u sheegay in tiro hablo ahi galeen saraakiisha Ciidamada kala duwan balse hadda loo baahan yahay in Hablaha leh Xirfada Caafimaadku ay galaan Saraakiisha Ciidamada.

blank“Tiro hablo ah ayaa waagii dhawayd ciidamada galay, waxaa aan aad ugu faraxsanahay inay Hablo aad u badani diyaar u yihiin inay saraakiil noqdaan oo ciidamada galaan, waxaan idiin sheegayaa Hablaha shaqo qaran ciidamada qaranka ee kala duwan waxay u baahan yihiin hablo saraakiil laga dhigo oo leh aqoonta Caafimaadka , xirfada caafimaadka wixii gabadh yaqaana ee Jaamacad ka baxday sarkaal iyadoo noqonaysa tababar yar maraysa, waayo hablihii xirfada caafimaadka aad iyo aad bay ugu wanaagsanaadeen waana loo boggay”.

blankKhudbadda ka dibna madaxweynuhu waxa uu la tukaday dhaliyarada shaqo qaran salaadii Jimce, markii laga baxayna waxa uu la galay safka qadada ee dhalinyaradu u gasho wakhtiyada qadada, quraacda iyo cashada isagoo la fadhiisto hoolka cuntada iyadoo ay hareero fadhiyeen qaar ka mida dhalinyarada shaqo qaran oo nasiib u yeeshay in madaxweynaha ay miis kula cunteeyaan.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories