HomeMadaxweynaha Somaliland oo beesha Caalamka u iftiimiyey sida aan Indhaha Looga Qarsan...

Madaxweynaha Somaliland oo beesha Caalamka u iftiimiyey sida aan Indhaha Looga Qarsan Karin Xaqiiqada ka Jirta Somaliland

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Beesha caalamka iyo Hay’adaha adduunka u soo jeediyey inaanay indhaha ka qarsan xaqiiqada Somaliland ka jirta, isla markaana ay kala shaqeeyaan hirgelinta horumarinta adeegyada Bulshada.

Madaxweynaha Somaliland
Madaxweynaha Somaliland

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilanyo), ayaa sheegay Xukuumaddiisu sii kordhinayso dedaallo soo taxnaa labaatan sano, isla markaana ku taagan yihiin yoolkii lagu gaadhi lahaa sannadka 2030 deggenaansho, dimoqraaddiyad iyo badhaadhe Bulshadiisu gaadho.

Madaxweyne Siilanyo oo shalay ka hadlay kulan-hawleed Beesha caalamka Ergooyin ka socday iyo Masuuliyiinta Somaliland ku naaqishayeen mashaariicaha horumarineed ee dalka laga fuliyo, waxaanu sheegay inuu jiro yool fog oo la hiigsanayo sannadka 2030, si deggenaansho, dimoqraadiyad iyo badhaabdhe bulshadu gaadho.

Madaxweyne Siilanyo oo khudbad dheer ka jeediyey kulankaas, ayaa sheegay inaanay meel madhan wax ka bilaabayn wakhtigan, balse sii kobcinayaan dedaal soo socday labaatan sano, waxaanu yidhi; “Kama bilaabayno meel madhan, balse dhisme soo socday muddo labaatan sano oo lagu guulaysatay dhidbidda xasilloonida, nidaamka dimoqraaddiga iyo Hay’adaha kala duwan oo fududeeyey in mashaariicda sida ugu haboon loo fuliyo.”

Mar uu Madaxweynuhu ka hadlayey yoolka Somaliland hiigsanayso iyo inaan la iska indho-tiri karin baahiyaadka horumarka mustaqbalka, waxa uu yidhi; “Waxa jira yool fog oo aannu hiigsanayno sannadka 2030-ka, oo deggenaansho, dimoqraaddiyad iyo badhaabdhe bulshadu gaadho ah. Inkastoo, Somaliland tahay waddan ka soo kabanaya burbur gaadhay. Dhinaca kale, waxaannu ku hiigsannay hormar wakhti adag dhexdii, isla markaana baahiyaadka horumarka mustaqbalkayaga indhaha lagama qarsan karo.”

Madaxweyne Siilanyo, ayaa gebagebadii sheegay in dalka Somaliland ahaan doono saaxiib laysku halleeyo oo xilkas ah, isla markaana uu filayo in Somaliland noqon doonto tusaale lagu soo hirto. “Somaliland waxa ka go’an inay sii ahaato saaxiib la isku hallayn karo oo xil-kas ah, taageerada beesha caalamka iyo go’aankayaga inaan samayno dib-u-habayn dhinac walba ah, waxaan aamminsanahay inay Somaliland ka dhigi doonto tusaale lagu soo hirto. Waxaan qabaa in maalin dhammaanteen dib u milicsan doonno guulihii aynu wada-jirka u gaadhnay.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

 

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories