HomeMadaxweynaha Somaliland oo Abaalmarino guddoonsiiyey Arday Ku Guulaysatay Tartanka Qur’aanka Kariimka ah

Madaxweynaha Somaliland oo Abaalmarino guddoonsiiyey Arday Ku Guulaysatay Tartanka Qur’aanka Kariimka ah

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa caawa abaalmarinno kala duwan guddoonsiiyey Afartii Arday ee kaalmaha ugu sarreeya ka galay tartankii Qur’aanka kariimka ah ee bisha Ramadaan oo sannadkan ah midkii Tobnaad.

Munaasibadda abaalmarinta sannadlaha oo lagu qabtay xarunta qasriga madaxtooyada oo ay madaxweynaha kala qaybgaleen guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee golaha wakiillada, xubno kamid ah golaha wasiirrada, madax kala duwan oo xukuumadda katirsan, culimo iyo madax kale, ayaa lagu abaalmariyey da’yar xifdiday Qur’aanka kariimka ah oo ku guulaysatay tartanka tobnaan ee Bisha Ramadaan.

Cabdiraxmaan Jaamac Saalax oo ka socda gobolka Sanaag, ayaa ku guulaystay gaadhi nooca Harrier ka ah oo cusub, Kaalinta labaadna waxa galay Saalax Cabdiraxmaan Cumar oo ka socday gobolka Maroodi-jeex, waxana la guddoonsiiyey abaalmarin lacageed oo dhan $2,000 (laba kun oo dollar), kitaab Qur’aan ah, mobil casri iyo computer laptop ah, halka uu kaalinta saddexaad galay Maxamed Ismaaciil Cali oo ka socday gobolka Togdheer, kaas oo abaalmarin ahaan loo siiyey Kitaab Qur’aan ah, mobile casri ah, computer Laptop ah iyo lacag dhan $1,000 (Kun Dollar), iyada oo kaalinta Afraadna uu galay Saalax Maxamuud Ibraahim oo ka socday gobolka Maroodijeex, islamarkaana la guddoonsiiyey Abaalmarin kala duwan oo ay kamid yihiin, Kitaabka Qur’aanka ah, mobile casri ah, Laptop iyo qaddar lacageed oo dhan $500 (Shan boqol) oo dollar.

Ugu horrayn, wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, sheekh Cabdirisaaq Xuseen Cali Albaani oo halkaas ka hadlay, ayaa si qoto dheer u sharraxay marxaladihii kala duwanaa ee uu tartankani soo maray, isaga oo xusay tartankaasi muddo dheer socday, afarkii qof ee kaalmaha ugu sarreeya galayna uu haatan madaxweynuhu guddoonsiiyey abaalmarimo kala duwan oo qaali ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo mid mid u gacan qaaday Da’yarta, waxana uu guddoon siiyey abaamarimihii ay mutaysteen oo ugu horreeyo furaha baabuurka cusub ee uu ku guulaystay ardayga kaalinta koowaad ku guulaystay, isaga oo da’yarta Qur’aanka xifdidayna Eebbe uga baryey ka abaalmariyo Qawlka Allah ee ay quluubtooda ku xifdiyeen.
Sidoo kale, waxa uu madaxweynuhu abaalmarino kala duwan guddoonsiiyey guddidii garsoorka ka ahayd tartanka Qur’aanka kariimka ah ee bisha Ramadaan.

Ardayga Kaalinta koowaad galay sannadkan tartanka Qur’aanka Kariimka ah ee bisha Ramadaan ayaa aragga naafo ka ah, taas oo dedaalkiisu soo jiitay dhammaanba madaxdii munaasibadda ku sugnayd oo eebbe uga baryey inuu mustaqbal ifaya ku gallado.

blank blank blank

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories