HomeMadaxweynaha Somaliland Oo Abaal-Marinno Guddoonsiiyey Arday ku Guulaysatay Tartan Qur’aanka Kariimka ah

Madaxweynaha Somaliland Oo Abaal-Marinno Guddoonsiiyey Arday ku Guulaysatay Tartan Qur’aanka Kariimka ah

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa abaalmarinno qaali ah guddoonsiiyey Afar arday oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay tartanka Qur’aanka kariimka ah ee bisha barakaysan ee Ramadaan.

blankMunaasibadda abaalmarinta oo lagu qabtay xarunta qasriga madaxtooyada, islamarkaana ay madaxweynaha ku wehelinayeen xubno kamid ah golaha wasiirrada, taliyeyaasha ciidamada kala duwan, culimo-awdiin, ardayda abaalmarimaha qaadatay iyo guddida culimada ah ee tartanka qabatay,  ayaa abaalmarimihii ay mutaysteen lagu guddoonsiiyey Afartii arday ee sannadkan ugu sarreeyey tartanka heer gobol ee Qur’aanka kariimka ah.

Tartankan sannadlahaa, ayaa waxa sannadkan kaalmaha ugu sarreeya ku guulaystay arday ka kala socota gobollada Maroodi-jeex iyo Sool, kuwaas oo abaalmarinno kala duwan oo qaali ah la guddoonsiiyey Kaalinta koowaad ee tartanka bisha Ramadaan ee Qur’aanka kariimka ah waxa  ku guulaystay Mukhtaar Cabdisamad Maxamed  oo ka socday gobolka Maroodijeex, kaas oo ku guulaystay Baabuur cusub iyo hadyado kale, kaalinta labaadna waxa ku guulaystay Cabdilaahi Maxamed Xasan oo isla gobolka Maroodi-jeex ka socday, kaasoo la guddoonsiiyey abaalmarin lacageed oo dhan  $1,500, (Kun iyo shan boqol) oo doollar, Mobile iyo Computor Laptop ah, halka kaalinta saddexaadna uu ku guulaystay, Maxamed Cawil Yuusuf oo gobolka Sool ka socday, kaas oo la guddoonsiiyey lacag dhan  $1,000  (Kun Dollar), Mobile iyo computer Laptop ah, iyada oo kaalinta ugu dambaysa ee Afraadna uu ku guulaystay  Cabdirisaaq Maxamed Cawil  oo gobolka Sool ka socday, kaas oo la guddoonsiiyey Abaalmarin lacageed oo dhan  $500 (Shan Boqol) oo dollar.

Sheekh Xasan Muxumed Cumar (Jaabir) oo ku hadlay magaca guddida culimada ah ee tartanka qabatay oo halkaas ka hadlay, ayaa bogaadiyey ardayda guulaysatay, waxana uu madaxweynaha ku hambalyeeyey kaalinta muhiimka ah ee ka qaatay dhiirrigelinta kaalmaha kalaamka Eebbe.

Sheekh Axmed Macallim Ibraahim oo ku hadlay magaca mu’sasadda Aflax, ayaa guul wax weyn ka taraysa dhiirrigelinta dhallinyarada Qur’aanka barata ku tilmaamay Abaalmarimaha qaaliga ah ee uu sida sanadlaha ah madaxweynuhu u bixiyo.

Wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Cali (Albaani), ayaa isaguna hambalyeeyey ardayda ku guulaysatay tartanka Qur’aanka kariimka ah, waxana uu kula dardaarmay inay sii wadaan dedaalkooda barashada diinta iyo kitaabka Eebbe.

blankMadaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ugu horrayn si kal iyo laab ah u bogaadiyey ardayda da’ada yar ee ku guulaysatay tartanka Qur’aanka kariimka ah, waxana u duceeyey macallimiintooda iyo waalidiinta ku tacabtay oo uu u rajeeyey guul waarta oo If iyo Aakhiroba ah.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa  farriin dhiirrigelin ah u diray cid kasta oo ku hawllan barashada Qur’aanka kariimka ah, kuna dhaqmaysa, waxana uu yidhi, “Waxannu dhiirrigelinaynayaa cid kasta oo Qur’aanka baranayna oo fahmaysa micnihiisa, ku dhaqmaysa oo aan si qalad ah u turjumaynin, Ilaahayna waxaynu ka baryeynaa inuu Diinteenna inagu sugo.”

Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu halkaas abaalmarihii ay mutaysteen ku guddoonsiiyey Afarta arday ee tartanka heer gobol ee bisha barakaysan ee Ramadaan ku guulaystay, isaga oo sidoo kalena shahaado lagu sharfayo guddoonsiiyey culimadii garsooreyaasha ka ahayd tartanka.

 

blank blank blank blank blank blank

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories