HomeMadaxweynaha Somaliland may ahayn in uu ka qaybgalo Jaamacad gaar loo leeyahay...

Madaxweynaha Somaliland may ahayn in uu ka qaybgalo Jaamacad gaar loo leeyahay qalin-jabinteeda, taasi waxay Haybadda ka qaadeysaa ka qaybgalkiisii…” -W/Q: C/casiis M. Yoonis

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

AnsaariShalay dad badan oo aan ku jiro ayaa la fajacay markii ay maqleen Madaxweynihii Somaliland oo ka qaybgalay Jaamacad gaar loo leeyahay oo aan ahayn; Jaamacadaha dawladda ee Hargeysa iyo Amuud.May dhicin Madaxweynayaashii:Cigaal iyo Riyaale in ay ka qaybgalaan Jaamacad nin qudhi leeyahay oo aan ahayn Jaamacadahaas dawliga ah.baratakoolku waxa uu ahaa markasta in uu ka qaybgalo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland.inkastoo ay tahay in ardayda qalinjabineysa la dhiirigaliyo,haddana may ahayn munaasab in labadan Jaamacadood ee Qaranku leeyahay lala simo Jaamacadaha gaarka ah,ee nin qudhii ka faaiideysto.Jaamacadaha gaarka loo leeyahay waxay had iyo jeer isku dayaan in ay dadka ku soo jiitaan xayeysiis oo habeen iyo maalin waxay ku jiraan Dagaal cidiyo ku dagaalan ah,sidii ay ardayda u soo jiidan lahaayeen.laakiin labada Jaamacadood ee Hargeysa iyo Amuud waligood lama arag iyagoo warbaahinta iska xayeysiinaaya ama boodhadhka suuqa isku soo dhajinaaya…!!!! Waxa ay ardayda iyo Maamulka labadaas Jaamacadood xayeysiis iyo dhiirigalin ugu filnaa,ka soo qaybgalka Madaxweynaha Somaliland maalinta ay ardaydoodu Qalinjabineyso..intaas ayaa ahayd fursad qaaliya oo ardaydu sugi jirtay …..laakiin maanta waxa Madaxweynaha ku soo qulqulidoona kaadhka martiqaadka ee Jaamacadahan badan ee gaarka loo leeyahay, iyagoo ka dalbanaaya in uu xafladooda qalinjabinta kala soo qaybgalo.Arrintaas oo waji gabax ku abuureysa Ardayda dhigata Jaamacadaha Dawliga ah;ee Hargeysa iyo Amuud.

Haybadda Madaxweynaha waxa aad iyo aad ugu qurux badan arrimaha Qaranka ee waaweyn  in ay ka dhex muuqo,Markaas waxaan Madaxweynaha Somaliland,Mudane Axmed Maxamed Maxamuud(Silaanyo), ka codsan lahaa in uu labadaas Jaamacadood ee Hargeysa iyo Amuud uu kala qaybgalo Qalinjabintooda,waayo labaadaas waa Astaanta Qaranka, ardayda dhigataana waa arday Mujaahidiin ah…!!! Waayo waxay ka badbaadeen xayeysiiska buunbuunintu ku jirto iyo beerlaxawsiga Jaamacadaha gaarka ahi, dadka ku wareeriyeen….waxa kaloo markasta inagu waajib ah in aynaan simin laba shay; (Qaran iyo Qof).culeyska waa in aynu saarnaa waxyaabaha Qaranimada Somaliland ku suntantahay,marka uu arko arday Jaamacadda Hargeysa ama Amuud dhigtaa, Madaxweynaha Somaliland oo Jaamacad gaar loo leeyahay jooga ma xiisan doono Jaamacadaha Dawliga ah ee waxa soo jiidan doona xayeysiis cidiyo ku dagaalanka ah, ee Jaamacadaha gaarka loo leeyahay….ugu dambeynta waxaan Madaxweyaha Somaliland ka codsan lahaa ama aan kula talin lahaa…kaadhadhka dambe ee martiqaaka ah ee Jaamacadaha gaarka ah, ee kugu soo socda ha ka jawaabin………!!!

 Waad mahadsantahay Madaxweyne.

 

Qore:C/casiis Maxamed Yoonis(Ansaari).

Macalin dhiga luuqadda ingiriisiga/Aqoonyahan School for English.

Email:ansaari25@hotmail.com/Tel:063 4175733.

Hargeysa,Somaliland.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories