HomeMadaxweynaha Somaliland iyo Weftigiisii oo Dalka ku soo Laabtay iyo Xogwarrankii natiijada...

Madaxweynaha Somaliland iyo Weftigiisii oo Dalka ku soo Laabtay iyo Xogwarrankii natiijada socdaalkooda

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweyneha Somaliland Dr Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftigii uu hogaaminayey oo safar ugu maqnaa wadanka Inigiriiska, ayaa maanta dalka ku soo guryo noqday.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo ay safarkiisan ku wehelinayeen wasiirka Arrimaha dibadda Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar, Wasiirka Qorshaynta Sacad Cali Shire iyo marwada madaxweynaha Aamino-waris Sh. Maxamuud Jirde, ayaa maanta gelinkii hore ka soo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa.

Weftiga madaxweynaha waxa madaarka ku soo dhaweeyey masuuliyiinta kala duwan ee qaranka oo uu horkacayo Madaxweyne ku xigeenka dalka Eng Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ka hor intii aanu madaxweynuhu dalka ka tagin, uu khilaaf dhexmaray labadooda.

soo dhawaynta madaxweynaha (11)Madaxweynaha oo markii uu madaarka ka soo degay qolka nasashada ugu waramayey warbaahinta kala duwan ayaa waxa uu ka warbixiyey socdaalkiisa uu ku tegay Ingiriiska iyo waxyaabihii uu kala soo guryo noqday.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in ay la kulmeen wasiirka Arrimaha Dibada Ingiriiska William Hague, isaga oo tilmaamay inay ka wada hadleen qodobbo ay ka mid yihiin sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka labada dal iyo sidii dib u eegis loogu samayn lahaa warbixintii ammaanka Somaliland uu ka soo saaray Ingiriisku.  “Waxaanu la kulanay wasiirka arrimaha dibada Ingiriiska  William Hague, anaga oo kala hadalnay sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka labada dal, dhinacyada siyaasada, dhaqaalaha iyo nabadgelyada, iyada oo aanu sidoo kale kala hadalnay in dib u eegis lagu sameeyo warbixintii uu Ingiriisku ka soo saaray amaanka Somaliland,” ayuu yidhi madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud .

Madaxweynuhu waxa kale oo uu ka warramay, “Kenya markaanu la kulanayna waxa ka muuqday kalsooni badan sida ay noo soo dhaweeyeen, safarkaanu u baxnayna waxa uu ahaa mid lagu guulaystay,” ayuu yidhi Md Siilaanyo.

Madaxweynaha oo wax laga weydiiyey shirka Ingiriisku Soomaaliya u qabanayo inay ka qayb galayaan iyo meeqaamka ay doonayaan inay kaga qayb galaan waxa uu sheegay in ay talo qaran ka yeelanayaan oo aanay ku deg degayn.  “Shirka Ingiriisku Somalia u qabanayo maaha mid aanu ku deg degayno ee talo qaran ayaanu ka yeelanaynaa, Ingiriiskuna wuu nagu marti qaaday,” ayuu Madaxweyne Siilaanyo.

Madaxweyne Siilaanyo, ayaa intii uu ku sugnaa dalka Ingiriiska, waxa uu kulamo is-xogwaraysi la qaatay jaaliyadda Somaliland ee UK, waxaana ka dhashay buuq iyo ismaan-dhaaf kallifay in madaxweyne Siilaanyo nidar ku maray isla markaana uu si adag u difaacay wasiirkiisa arrimaha debedda oo kulankaas dhaliilo adag looga jeediyey.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories