HomeMadaxweynaha Somaliland iyo Weftigiisa oo lagu soo dhaweeyey magaalada Nairobi

Madaxweynaha Somaliland iyo Weftigiisa oo lagu soo dhaweeyey magaalada Nairobi

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Nairobi (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo oo saaka ka amba-baxay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa, ayaa gaadhay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Madaxweynaha iyo Weftigiisa ayaa ka dagay garoonka diyaaradaha ee Jommo Kenyatta International Airport ee magaalada Nairobi oo soo dhaweyn hab-maamuus sare leh loogu sameeyey.

blankMd Muuse Biixi iyo weftigiisa waxa gegida diyaaradaha ee JKIA ku qaabilay Wasiirrada Arrimaha Dibadda iyo Ganacsiga ee dalka Kenya.

Madaxweyne Biixi iyo weftigiisa ayaa booqoasho muddo saddex maalmood qaadanaysa ku joogi doona dalka Kenya, waxaanu madaxweynuhu Isniinta Berri la kulmi doonaa dhiggiisa dalka Kenya Uhurru Kenyatta, sida lagu sheegay qoraal ay wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ku baahisay barteeda Twitter-ka.


Kulanka labada madaxweyne ayaa la filayaa inay kaga wada-hadlaan arrimo khuseeya dhinacyada ammaanka, dhaqaalaha iyo iskaashiga shacabka labada waddan, sida lagu sheegay qoraal ay soo saartay wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliland.

blankSida aanu ka soo xigannay warbaahinta dalka Kenya qaarkood, arrimaha ay labada hoggaamiye kulankooda kaga wada-hadli doonaan waxa ka mid ah sidii ay shirkadda diyaaradaha ee Kenya Airways duullimaad uga bilaabi lahayd Somaliland.

Safarka ayaa noqonaya kii u horeeyey ee madaxweyne Muuse Biixi ku tago dalka Kenya tan iyo markii uu la wareegay hoggaaminta talada dalka bishii December 2017-kii.

Socdaalka madaxweyne Biixi ayaa noqonaya markii labaad ee hoggaamiye ka socda Somaliland oo marti-qaad rasmi ah ka helay madaxweynaha Kenya uu booqdo dalkaas, waxaana ka horreeyey socdaal madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin ku tagay halkaas 2006-dii isagoo la kulmay madaxweynihii hore ee Kenya Moi Kibaki.


“Somaliland waa saaxiib muhiim ah oo ku yaalla Geeska Afrika oo aanu iska kaashanno dagaalka lagula jiro argagixisada gaar ahaan kooxda Al-Shabaab.” Sidaas waxa lagu sheegay qoraal ay wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ku baahisay bartooda Twitter.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories

1 COMMENT

Comments are closed.