HomeMadaxweynaha Somaliland iyo Weftigii uu hogGaaminyay oo soo Gaadhay Magaalada London (SAWIRRO)

Madaxweynaha Somaliland iyo Weftigii uu hogGaaminyay oo soo Gaadhay Magaalada London (SAWIRRO)

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

London (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland iyo weftigii uu hogaaminyay ee socdaalka Shaqo ku tagay dalka Maraykanka, ayaa saaka subaxnimadii kasoo degay garoonka caalamiga ah ee Heathrow airport ee magaalada London, waxaana qolka marti sharafta kusoo dhaweeyay safiirka Somaliland u fadhiya Boqortooyada Ingiriiska Md Cali Aadan Cawaale, xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Cali Axmed Cali, Maareeyaha Telefiishanka qaranka Khadar Xasan Cali Gaas iyo Gudoomiyaha telefiishanka ee Yurub Cabdi Bacow iyo Jaaliyadda Somaliland ee dalkaas.

Weftiga

Weftiga madaxweynaha oo ka koobnaa Marwada Koowaad ee qaranka Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde, wasiirka arrimaha dibadda Md. Maxamed Cabdilaahi Cumar, iyo wasiirka madaxtooyada Somaliland Md Xersi Xaaji Cali Xasan, ayaa kasoo laabtay dalka Maraykanka, halkaasi oo ay kulamo kale duwan kula soo yeesheen muddadii ay ku sugnaayeen masuuliyiin sare oo ka tirsan wasaarada gaashaandhiga (Pentagon), wasaarada arrimaha dibadda,baarlamaanka Maraykanka iyo shirkado dhinaca maalgashiga ah. Sidoo kale weftigu waxay maalintii Sabtidii kulan balaadhan la yeesheen jaalliyada Somaliland eek u dhaqan dalka maraykanka Magaalada Washington, iyagoo uga xog waramay xaalada guud ee dalka iyo waxyaabihii uga qabsoomay kullamadii ay masuulyiinta Maraykanka layeesheen muddadii ay ku joogeen dalkaasi. Munaasabadan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxa dadku ka kale yimaadeen meelo aad u kale durugsan oo ilaa gobolada fogfog ee Koonfurta Maraykanka iyo dalka Kanada ah, qaarkood in ka badan 12 saacadood soo kaxaysteen gawaadhi.

Dhinaca kalena, waxa madaxweynuhu intii uuu ku sugnaa qolka marti sharafta ee Heathrow Airport kula kulmay Guddoomiyaha Isbahaysiga Mucaaradka Kenya horena u ahaa Raysal wasaarihii hore ee dalkas Raila Odinga oo goobta ku sugnaa.

We Odinga Ba A&M

Somalilandpost.net/London

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories