HomeMadaxweynaha Somaliland iyo wefti uu hoggaaminayo oo si ballaadhan loogu soo dhaweeyey...

Madaxweynaha Somaliland iyo wefti uu hoggaaminayo oo si ballaadhan loogu soo dhaweeyey Dalka Maraykanka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Washington (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo, ayaa lagu soo dhaweeyey garoonka diyaaraaha Dulles ee magaalada Washington ee dalka Maraykanka.

blankMadaxweynaha Somaliland iyo weftiga uu hoggaaminayo oo shalay gelinkii dambe ka dhoofay gegida diyaaradaha Hargeysa, ayaa xalay xilliyo dambe ka amba-baxay garoonka diyaaradaha Bole International Airport ee magaalada Addis Ababa oo weftigu ku nastay.

Garoonka diyaaradaha ee magaalada Washington oo weftigu gaadheen 5:00 galabmimo ee Axadda maanta saacadda Bariga Afrika, kuna beegan 10-ka subaxnimo, waxa weftiga soo dhaweeyey saraakiil ka tirsan waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka, Safiirka Somaliland u fadhiya Maraykanka Bashiir Good iyo jaaliyadda Somaliland ee Maraykanka oo ku gaashaman calanka Jamhuuriyadda Somaliland.

Weftiga Madaxweynaha Somaliland, waxa xubno ka ah Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr Ciise Kayd Maxamuud, Wasiirka Arimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed, Wasiir Warfaafinta, wacyigelinta iyo Dhaqanka Saleebaan Cali Koore, Wasiirka Ganacsiga Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) iyo Wasiirka Degaanka Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare.

blankWaxa kale oo Weftiga Xubno ka ah madaxda shirkadaha ganacsi ee ugu waaweyn dalka qaarkood iyo sidoo kale Madaxa Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa Dr Jaamac Muuse Jaamac.

Socdaalka madaxweynaha oo ka dambeeyey marti-qaad rasmi ah oo uu ka helay dowladda Maraykanka, ayaa la filayaa inuu kulamo la qaato saraakiil ka tirsan dowladda dalkaas oo ay ku jiraan madaxda wasaaradda Gaashaan-dhigga ee Maraykanka.

blankMadaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa la filayaa inuu maalinta Berri oo ku beegan 14-ka March khudbad ku saabsan sii xidhiidhka Maraykanka iyo Somaliland ka jeedin doonaa Golaha Heritage Foundation.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories