HomeMadaxweynaha Somaliland iyo Wefti uu hoggaaminayo oo gaadhay London, kana hadlay rejada...

Madaxweynaha Somaliland iyo Wefti uu hoggaaminayo oo gaadhay London, kana hadlay rejada ay ka qaban shirka Soomaalida ee ay ka qayb-galayaan

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa, 19 February 2012 (SLpost)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefti uu hoggaaminayay ayaa shalay gaadhay magaalada London ee dalka Britain, waxaana madaarka Heathrow Airport si diiran ugu soo dhaweeyay masuuliyiin iyo xubno badan oo ka mid ah Jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan wadanka UK.

blankMadaxweynaha waxa ku soo dhaweeyay saraakiil ka socday xafiiska Raysal wasaaraha Britain iyo Wasaaradda khaarajiga dalkaasi, Wasiirul dawladaha arrimaha dibadda Somaliland Md. Maxamed-rashiid Sh. Xasan, Wasiir Ku xigeenka arrimaha dibadda Md. Maxamed Yoonis Cawaalle, Wakiilka Somaliland ee UK iyo xubno badan oo ka mid ah jaaliyadda Somalland ee wadanka UK.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo markii uu ka soo degay madaarkaLondonsaxaafadda u waramayay ayaa si weyn ugu mahad celiyay jaaliyaddaSomalilandee soo dhawaysay.

Madaxweynaha Somaliland waxa kale oo uu ka hadlay shirweynaha Ingiriisku ku qabanayo 23-ka bishan magaaladda London oo uu tilmaamay in isaga iyo wefti balaadhan oo uu hoggaaminayaa ay ku casuuman yihiin kana filayaan in qadayadda Somaliland lagu dhegaysto shirkaas“Aad iyo aad ayaan ugu mahad celinayaa dadka I soo dhaweeyay ee reer Somaliland, waxaan socdaalkayaga u imid dalkan inaan ka qeyb galno aniga iyo wefti balaadhan ee ila socdaa oo aan rajaynayno inaan kaga hadlo danaha Somaliland Inshaalaahu,”Ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Shirkan waxaanu ka filaynaa waxa weeye inay duniddu na dhageysato mashaakilka mandaqadda ka jira, horumarka aanu samaynay iyo baahiyahayaga , waxaanu doonaynaa inaanu arrimahaasi ka hadalno.”

Madaxweynaha Somaliland waxa socdaalkiisa ku weheliya Wasiirka Arrimaha dibadda Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, Marwadda koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde iyo xoghaynta gaarka ah ee Madaxweynaha Cali Maxamed Cali.

Waxa kale oo la filayaa magaaladda Addis Ababa ay ka soo ambo baxaan maanta weftigii kale ee uu hoggaaminayay Wasiirkaa Warfaafinta Md. Axmed Cabdi Xaabsade, oo ay xubno ka ahaayeen Wasiirka Xanaanadda Xoolaha Dr. Cabdi Aw-Daahir, Xildhibaano ka tirsan Goleyaasha Baarlamaanka ee Guurtida iyo Wakiilada iyo masuuliyiinta saddexda Xisbi ee siyaasadda Somaliland.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories