HomeMadaxweynaha  Somaliland iyo Wafti ka Socda Kililka Ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya oo...

Madaxweynaha  Somaliland iyo Wafti ka Socda Kililka Ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya oo Ka Wada Hadlay Arrimaha Amniga iyo Iskaashiga Labada Dhinac

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Hargeysa(SLpost)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxa uu maanta Xafiiskiisa ku qaabiley Wefti wasiiro ah oo ka socda Dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo dalka ku sugnaa maalmahan.

Isbarasho ka dib waxa halkaasi ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi oo weftiga uga mahadnaqay socdaalka ay ku joogaan Somaliland, ka xukuumad ahaana ay soo dhawaynayaan wasiirada iyo xidhiidhka wanaagsan ee ka dhexeeya labada dawladood ee jaarka wanaagsan iyo walaaltinimadu ka dhaxayso.

Halka dhinaca weftigana uu u hadlay wasiirka Ganacsiga iyo Gaadhiidka DDSI Mudane Khadar Cabdi Ismaaciil oo isna ku hadlaayey afka weftiga uu hogaaninaayey ayaa ka mahadnaqay sida sharafta iyo karaamada leh ee Dawlad iyo shiciba loogu soo dhaweeyey Somaliland, waxaanu balan qaaday marka uu dalkii dib ugu noqdo in uu ka shaqayndoono sidii ay u dardar gelin lahaayeen isdhaafsiga ganacsiga labada dal oo markii hore u badnaa uun mid ka soo gala dhinaca itoobiya balse ay hada xooga saaridoonaan sidii ganacsiga Somaliland ee uu ugu horeeyo kalluunku u gaadhi lahaa dalka itoobiya, isaga oo madaxweynaha ku hambalyeeyey dedaalka iyo kartida ay ku dheehan tahay waayo aragnimadu ee aad ku hogaamisay dalka mudadii aad xilka haysay ayuu yidhi wasirku, waxanan kugu hambalyeynaynaa go’aankii aad ka qaadatay markii aad sida geesinimada leh u buuxisay xilalkii ay ka tageen wasiiradii hore uga tegay xukuumada.

Ugu danbayna waxa halkaas ka hadlay soona xidhay shirka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo oo weedho dhaxal gal ah ka jeediyey halkaas.

Mudanayaal

Ugu horreyn, waxaan idiinka mahadnaqayaa socdaalka aad ku timaadeen Somaliland, sharaf weyn bay ii tahay in aad booqasho iyo bariido iigu timaadeen xafiiskayga saaka.

Mar labaad, waxaan idiinku hambalyeynayaa xuska maalinta qoomiyadaha Ethiopia ee aad jaaliyaddiina halkan ku dhaqan kala soo qayb-gasheen.

Sidoo kale, waxaan idiinku bogaadinayaa nabadgelyada, horumarka iyo is-beddelka nololeed ee aad ka hirgaliseen Dawlad Deegaanka Is-maamulka Soomaalida Ethiopia oo dib u dhac xoog lihi ka muuqday xilligii hore.

Arrintani waa mid aanu ku faraxsannahay, tusaale fiicanna u ah guud ahaan Qoomiyadda Soomaaliyeed ee ku kala nool Dallalka Geeska Africa.

Mudanayaal
Dawladda aan madaxda ka ahay waxa ka go’an in ay xoojiso xidhiidhka iyo wada-shaqaynta dalka aanu deriska nahay ee Ethiopia, gaar ahaan Dawlad Deegaanka is-maamulka Soomaalida Ethiopia ee aad ka tirsan tihiin.

Haddaba, si aynu u xaqiijino is-kaashiga siyaasadeed, nabadgelyo iyo kan dhaqan-dhaqaale ee inaga dhaxeeya, waxa waajib ah in aynu xoojinno, isla markaana dhinac uga soo wada jeesanno meel marinta arrimahan hoos ku xusan:

  • Adkaynta Nabadgelyada Xuduudaha.
    • La-dagaalanka Kooxaha Argagixisada.
    • Is-dhaafsiga Xogaha Cadowga Nabadda.
    • Isu-celinta Danbiilayaasha Labada Dal Ka Soo Firxada.
    • Dhiiri-gelinta Ganacsiga iyo is-dhexgalka Bulshada.

Ugu danbayn, waxaa bud-dhig iyo ballan inoo ah in aynu si wada jir ah uga wada shaqayno wada-jirka, walaalnimada iyo wada noolaanshaha bulsho weynta aynu madaxda u nahay.

Mar kale waxaan jecelahay in aan idiin mahadnaqo, farriini waa qaan ee salaan iga gaadhsiiya Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Is-maamulka Soomaalida Ethiopia Mudane, Cabdi Maxamuud Cumar.

12375957_872591949521326_152988360448909829_nKulankan oo ujeedadiisu ahayd xoojinta xidhiidhka labada dhinac iyo isbarasho guud ayaa ku soo dhamaaday weji wanaagsan iyo Isfahan buuxa, iyadoo madaxweynuhu hadyad ka kooban Astaanta Qaranka Somaliland gudoonsiiyey weftiga oo uu hogaaminaayey Wasiirka Ganacsiga Dawlad deegaanka Soomaalidu.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories