HomeMadaxweynaha Somaliland iyo Guddoomiyaha Kulmiye oo Tacsi u diray Ehelkii, Qaraabadii iyo...

Madaxweynaha Somaliland iyo Guddoomiyaha Kulmiye oo Tacsi u diray Ehelkii, Qaraabadii iyo Asxaabtii uu ka Baxay Marxuum Taariikh ku leh Dib-u-dhiskii iyo Nabadeynta Dalka oo maanta Geeriyooday

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

tacsiHargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ehelladii, qaraabadii iyo Asxaabtii uu ka geeriyooday ka tacsiiyeeyey Marxuum Maxamuud Maxamed Jaamac (Gaadhi-jiidh) oo maanta lagu aasay magaalada Burco.

Mudane Axmed Siilaanyo waxa uu Marxuumka ku sifeeyey shakhsi tiir-dhexaad u ahaa Dhismihii dalka iyo Dib-u-heshiisiinta Beelaha Somaliland.

Dhambaalka tacsiga ee madaxweynaha, ayaa u qoraan sidan: “

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu tacsi u dirayaa Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Reer Somaliland, ee uu ka baxay Marxuum Maxamuud Maxamed Jaamac (Gaadhijiidh) oo ku geeriyooday 23/03.2014, Magaalada Burco.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku tilmaamay tiir muhiim ah oo ka baxay gobolka togdheer iyo guud ahaanba shacbiga Somaliland, waxaanu ka mid ahaa odayaashii ka soo qayb-qaatay dib u dhiskii dalka iyo nabadayntii beelaha Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu  Marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan Saadiqa ka siiyo.”

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa tacsi u diray ehelkii, qaraabadii iyo Asxaabtii uu ka baxay Marxuumku.

Dhambaalka Tacsida ee Guddoomiyaha Kulmiye u diray ehelllada, qaraabada iyo Asxaabta Marxuumka, ayaa u qornaa sidan: “Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka, Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo ka dhammaan taageerayaasha xisbiga KULMIYE, waxa uu tacsi u dirayaa qoyskii, eheladii, qaraabadii iyo guud ahaan shacabka reer Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Maxamuud Maxamed Jaamac (Gaadhi-jiidh) oo ku geeryooday magaalada Burco maanta. Ilaahay wuxuu uga baryayaa marxuumka inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo, qoyska, qarabada iyo shacabkana uu samir iyo iiman haka siiyo.”

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories