HomeMadaxweynaha Somalia Oo Ka Qayb-galay Aaska Gen. Cali Samatar

Madaxweynaha Somalia Oo Ka Qayb-galay Aaska Gen. Cali Samatar

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Muqdisho (SL.Post) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxda maamul-goboleedyada qaar ka mid ah,  ayaa maanta ka qayb-galay Aas qaran oo xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee Muqdisho loogu sameeyay marxuum Jeneraal Maxamed Cali Samantar oo Madaxweyne Ku-Xigeen ka soo noqdey xukuumaddii militariga ee Somalia.

blank

 

Aaska ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeybgaley Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka, Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari, Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, madaxweyneyaasha maamulka Jubbaland iyo Koonfuur Galbeed Soomaaliya (Axmed Maxamed Islaam iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan), xubno ka tirsan labada gole, taliyeyaasha ciidammada, danjireyaasha waddamada shisheeye, ururrada bulshada iyo qoyska marxuum Samantar.

blank

 

Sidoo kale, Aaska kaddib ayaa waxaa isla xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga lagu qabtey munaasabad xus iyo duco isugu jirta oo lagu maamuusayey Marxuumka.

blank

“Innaa Lillaahi waa Inaa Ileyhi Raajicuun. Marxuum Maxamed Cali Samantar waxaa uu ahaa hoggaamiye muddo dheer waddankan u adeegayey, innagoo ixtiraamkaas iyo Wax-qabadkaas eegeyna ayaan ku maamuusney inaan aaskan heerka qaran ee uu mudan yahay u sameyno. Ciidankeena waxaa uu mar noqdey mid ka mid ah kuwa ugu fiican Afrika, waxaana marag ma doonnto ah in General Samantar uu kaalin weyn ku lahaa dhismaha ciidanka tayadaasi iyo karaamadaas leh ee waddankeena magaca u soo hoyay.” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaaliya  Xasan Sheekh.

blank

Madaxweynaha Somalia, ayaa sheegay in Jen. Samantar iyo waxqabadkiisa ay ku baaqi ahaan doonaan taariikhda Soomaaliya, qof walba oo Soomaali ahna uu waajib ka saaran yahay inuu waddankiisa wax u qabto si horumar loogu tallaabsado.

 

blank

Dhinaca kale  Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud mid mid ugu gacan-qaaday xubnaha qoyska Marxuum Cali Samatar, isagoo marxuumka Ilaahay uga baryey inuu naxariistii janno ka waraabiyo, iyagan uu samir iyo iimaan Ilaahay ka siiyo.

blank

 

Marxuum Maxamed Cali Samantar ayaa xilligii dowladda militariga ee Soomaaliya ka soo noqday Madaxweyne Ku-Xigeen, Ra’iisul Wasaare , Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidammada Xoogga, waxaana uu 19-kii bishan August 2016 ku geeriyooday gobolka Virginia ee dalka Maraykanka.

blank

 

Somalilandpost.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories