HomeMadaxweynaha Somailand Oo Qasriga Madaxtooyada Kulan-Sharafeed Ugu Sameeyey Marwo Edna Aadan Oo...

Madaxweynaha Somailand Oo Qasriga Madaxtooyada Kulan-Sharafeed Ugu Sameeyey Marwo Edna Aadan Oo Abaalmarin Caalami Ah Ku Guulaysatay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta munaasibad ballaadhan oo soo dhaweyn iyo bogaadin ah qasriga madaxtooyada ugu sameeyey Ergaygiisa gaarka ah ee wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya marwo Edna Aadan Ismaaciil oo sannadkan ku guulaysatay abaalmarinta caalamiga ah ee Templeton Prize.

Marwo Edna oo maanta soo dhaweyn ballaadhan shacabka caasimaddu ugu sameeyey gudaha garoonka caalamiga ah ee Cigaal International Airport oo ay kasoo degtay iyo afaafkiisa, ayuu madaxweynuhu si gaar ah ugu qaabilay xarunta qasriga madaxtooyada Somaliland, halkaas oo loogu sameeyey munaasibad ballaadhan oo ay kasoo qaybgaleen xubno kamid ah golaha wasiirrada, xildhibaanno, madax-dhaqameed haween iyo marti-sharaf kale, waxana laga jeediyey hadallo kooban oo loogu mahadnaqayo guusha ay soo hoysay.

Ugu horrayn, Suldaan Barre xaaji Xuseen oo kamid ah salaadiinta waaweyn ee reer Somaliland oo halkaas ka hadlay, ayaa bogaadiyey guusha ay marwo Edna qarankeeda usoo hoysay iyo sida ay ugu dhaadato qarannimada.

Wasiirka wasaaradda Deegaanka iyo isbeddelka cimilada, marwo Shugri xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa iyaduna dhankeeda hambalyeysay guusha ay marwo Edna gaadhay, waxanay tilmaantay inay kamid tahay hantida gaar ahaaneed ee bulshada reer Somaliland dhiggood dheer yihiin.

blankErgayga gaarka ah ee madaxweynaha qaranka u qaabilsan wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, Marwo Edna Aadan Ismaaciil oo kelmedo kooban ka jeedisay madasha, ayaa madaxweynaha iyo guud ahaanba muwaadiniinta kale ee reer Somaliland ugaga mahadnaqday sida kalgacaylka leh ee ay usoo dhaweeyeen, waxana ay bulshada reer Somaliland ugu baaqeen inay isku duubnaadaan, difaaca qarankooda iyo ilaalinta sharaftoodana meel uga soo wada jeestaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda marwada lagu sharfayo soo Afmeeray, ayaa ugu horrayn si cad u sheegay in marwo Edna xaq u leedahay in si heer sare ah loogu muuneeyo xarunta qasriga madaxtooyada, maaddaama oo ay magacii qaranka iyo kii haweenka reer Somaliland-ba meel sare gaadhsiisay.

blank“Haddii qofka wax tara aan la xusin oo aan loo mahadnaqin Bani’aadamku qiime yeelan maayo, maantana goortan kulul waxaynu halkan u joognaa waa soo dhaweynta guusha ay caalamka ka keentay iyada oo qof dumar ah, waa guushaa caalamiga ah ee Edna ay noqotay gabadhii dumar ahayd ee Afrika ugu horraysay ee caalamku ku maamuuso abaalmarinta Templetone prize oo sannadkiiba qof ka helo adduunka,” Sidaa ayuu yidhi madaxweynaha Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu guusha marwo Edna Aadan ku sifeeyey mid Sharaf u ah bulshada uu madaxweynaha u yahay iyo guud ahaanba midda ku dhaqan qaaradda Afrika, mudan tahayna mahadnaq dheeraad ah,“Inay Edna caalamka guushaas kasoo dhex qaadday waa Sharaf Somaliland usoo hoyatay, waa Sharaf Afrika usoo hoyatay oo inta horumarka iyo wanaagga jecel usoo hoyatay, sidaas darteed aniga oo ku hadlaya afkii qaranka aad iyo baan kaaga mahadnaqayaa guushaas caalamiga ah ee aad keentay haddii aannu Somaliland nahay,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories