HomeMadaxweynaha Siilaanyo oo Madaxtooyada ku Qaabiley Ardayda Wax ka barata Dugsiyada Dhegooleyaasha...

Madaxweynaha Siilaanyo oo Madaxtooyada ku Qaabiley Ardayda Wax ka barata Dugsiyada Dhegooleyaasha ee Gobalada Dalka iyo Wacdarihii ay Muujiyeen

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Hargeysa (SLpost)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada kulan  balaadhan ugu sameeyey Ardayda Dhagoolayaasha Somaliland oo ka kala socday  shan Iskuul oo ku yaala Magaalooyinka Boorama, Burco, Gabiley iyo Hargeysa.

Heesta Calanka Somaliland oo ku Qoran Farta Dhegooleyaasha
Heesta Calanka Somaliland oo ku Qoran Farta Dhegooleyaasha

Kulankan waxa kale oo goob joog ka ahaa Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirka Madaxtooyadda Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiirka Waxbarashadda Marwo Samsam Cabdi Aadan, Wasiirka Maaliyadda Md Cabdicasiis Maxamed Samaale, Wasiirka Xanaanadda Xoolaha Mudane Cabdi Aw Daahir, Wasiirka Beeraha Mudane Faarax Cilmi Geedoole iyo Marwadda koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde (Aamina Waris).

Ardayda wax ka barta Dugsiyada Dhegoolayaasha ee Madaxweyne Siilaanyo ku soo dhaweeyey Qasriga Madaxtooyada, ayaa munaasibadda soo dhaweynta ee loo qabtay ku soo bandhigay Heerkooda waxbarashada iyo Farta dhegoolayaasha ee ay wax ku bartaan.

Waxa xusid mudan in Ardaydan Laxaadka Maqalka Waxa Qaba ay madasha ka qaadeen Heesta Astaanta Qaranka, iyada oo isticmaalaya af-garashada dadka dhegoolayaasha ah.

Madaxweynaha oo gaba-gebadii kulankaas ka hadlay ayaa Ardayda ka socotay Dugsiyada dhagoolayaasha oo ka hadlay baahiya iyo waxyaabaha ay u baahan yihiin, waxa uu Madaxweynuhu u balan qaaday inuu wax kala qabanaayo baahiya ku gadaaman, isla markaana waxa uu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay kulankoodan maanta, waxaanu yidhi, “Waxa maanta farxad wayn ii ah inaan maanta halkan aan kula kulmo qayb aad iyo aad muhiim u ah oo xaggayagana ahmiyad wayn ka leh oo bulshada Somaliland ka mid ah. dhalinyaradaas quruxda badan ee halkaas fadhida iyo inta ka maqan ee la midaaba aad iyo aad ayaan u salamayaa,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxaanu hadalkisii sii raaciyey, “Waxaan jecelay inaan idhaahdo aad ayaan ugu faraxsanay waxyaabihii idiin qabsoomay. Waxaan idinka balan qaadayaa baahidaas aad sheegateen in wixii allaale iyo wixii aanu ka qaban-karno aanu ka qabano. Waxaad la xaquuq tihiin oo aad la mid tihiin ama Ixtiraab gaara iyo mid kabadan ta dadka kale la siiyo  in laydiin siiyo ayaan idinka balan qaadayaa.”

Madaxweynuhu waxa kale oo uu sheegay inuu arrintan baahiyadooda oo dhan uu kala hadli doono Ha’yadaha oo dhan, waxaanu yidhi, “Wasaaradda waxbarashada iyo Ha’yaddaha kale oo dhan waanu ka wada tashan doonaa wixii talabooyin ah ee la qaadidoono iyo baahiyaha aad noo sheegteen sidii aanu wax uga qaban lahayn. Aad iyo aad ayaan idinku mahdinayaa qiimaha iyo sharafta aad na sii seen iyo salaanta aad noogu timadeen.”

Waa markii u horreysay ee Madaxweynaha Somaliland munaasibad dhiirri-gelin ah ku qaabiley Ardayda Wax ka barata Dugsiyada Dhegooleyaasha ee gobollada Dalka.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories