HomeMadaxweyne Siilaanyo Oo Daah-furay Dugsi Boodhin Ah Oo Laga Hir-geliyay Deegaanka Mandheera...

Madaxweyne Siilaanyo Oo Daah-furay Dugsi Boodhin Ah Oo Laga Hir-geliyay Deegaanka Mandheera Ee Gobolka Saaxil (SAWIRRO)

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SL.Post) Madaxweynaha Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu maanta ka qaybgalay Munaasibada daahfurka Dugsiyada Boodhinka ah ee Guddida Dan iyo Duco ka Hirgelisay Gobolka Saaxil.

https://fbcdn-sphotos-a-a.akamaihd.net/hphotos-ak-xlp1/v/t1.0-9/

Wefti uu hoggaaminaayo madaxweynaha Qaranka Somaliland, kuna wehelinayeen, masuuliyiin tiro badan oo uu ka mid yahay gudoomiyaha xisbiga kulmiye ahna murashaxa xisbigaasi Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Marwada koowaad ee Qaranka Somaliland Marwo Aamina-weris Sheekh Maxamed Jirde, ayaa deegaanka Madheera gaar ahaan Dabayla-weyne waxay maanta kaga qaybgaleen xaflad aad loo soo agaasimay laguna daahfuray dhismayaasha laba dugsi sare ee  boodhinka ah gacantana ay ku hayeen guddida horumarinta gobolka saaxil ee loo soo gaabiyo Dan iyo Duco, dugsiyadaas oo laga hirgeliyey Deegaamada Dabayla weyne iyo Dubur ayaa noqon doona kuwo loo dhisay inay wax ku bartaan in ka badan 800 oo Arday. Magacooda guudna uu noqon doono Dan iyo Duco “Boarding Schools” ee Gobolka Saaxil.

 

https://scontent-bru2-1.xx.fbcdn.net/v/t1.0-9/

Munaasibadaasi oo ahayd mid saacado socotay waxa ka hadlay masuuliyiinta gobolada Saaxil, maroodijeex, madaxdhaqameed, culimo, waayeel, waxgarad, Siyaasiyiin, qurbajoog, haween, Murashaxiinta saddexda xisbi qaran oo kala ahaa Md. Muuse Biixi Cabdi, Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ciro iyo Md. Jamaal Cali Xuseen, iyo wasiiro iyadoo uu munaasibada soo xidhay Madaxweynaha Qaranka Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo oo ay hadaladiisa ka mid ahaayeen”Sharaf weyn bay ii tahay in aan ka soo qaybgalo xafladan  furitaanka labada Dugsi (School) ee Dubur iyo Dabayla-weyne. Waxaan hambalyeynayaa Guddida Dan iyo Duco ee fulisay mashruucan qiimaha badan. Waxaan u mahadnaqayaa dhammaan cid kasta oo ka qayb qaadatay maskax, muruq iyo maal dhismaha hoygan Waxbarasho. Waxaan dhiirigelinaynaa mashaariicda horumarinta dalka, waxaannu xukuumad ahaan diyaar u nahay in aannu gacan weyn ka geysano sidii ay u shaqayn lahaayeen, mashaariicda noocan oo kale ahi dadka iyo dalkana waxtarka u leh.

https://scontent-bru2-1.xx.fbcdn.net/v/t1.0-9/

Ka dib markii munaasibadu dhamaatay waxa madaxweynaha iyo weftigiisa hadhimo sharafeed loogu sameeyey isla dugsigaasi boodhinka ah ee Dabayla-weyne gudihiisa, hadhimo sharafeedka ka dibna weftigii madaxweynuhu waxay u soo boqooleen dhinaca caasimada Somaliland, waxaanay la kulmeen shil gaadhi oo ka dhacay wadada u dhaxaysa Berbera iyo Hargeysa, shilkaas oo sababay dhaawaca saddex askari oo ahaa ilaaladii gudoomiyaha Golaha wakiilada ahna gudoomiyaha Xisbiga Waddani mudane Cirro oo isagu weftiga ka mid ahaa iyo Gaadhi yar oo nooca raaxada ah oo uu saarnaa derawalkii waday oo keliya kaasooo u soo gaadhay dhaawac aad u culisi, Markii uu madaxweynuhu soo gaadhay goobta wuu u degay dhaawacii iyo khasaarihii goobta ka dhacay waxaanu u duceeyey dadkii halkaasi wax ku noqday inuu Alle Caafimaad sareecana siiyo. Iyadoo markiiba loola soo cararay dhinaca cusbitaalka guud ee hargeysa.

https://scontent-bru2-1.xx.fbcdn.net/v/t1.0-9/

https://scontent-bru2-1.xx.fbcdn.net/v/t1.0-9/v

https://scontent-bru2-1.xx.fbcdn.net/v/t1.0-9/

https://scontent-bru2-1.xx.fbcdn.net/v/t1.0-9/

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories