HomeMadaxweynaha Ruushka oo Heegan Galiyey Difaaca Gantaalaha Nukliyeerka

Madaxweynaha Ruushka oo Heegan Galiyey Difaaca Gantaalaha Nukliyeerka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Moscow (SLpost)- Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa amray inay heegan buuxa galaan Ciidammada Difaaca Cirka ee adeegsada noocyada Gantaalaha xambaara Hubka noocyadiisa kala duwan.

blankMadaxweynaha Ruushka ayaa Go’aankan shaaciyey kaddib markii uu kulan dhinaca ammaanka khuseeya la qaatay Wasiirka Gaashaandhigga Sergy Shoigu iyo Taliyaha Guud ee Ciidamada dalkaas Valery Gerasimov, sida aanu ka soo xigannay warbaahinta Russian Today.

“Dalalka reer Galbeedku kaliya ma samaynayaan tallaabooyin cadowtinimo oo ka dhan dhaqaalaha dalkeenna ee ku saabsan cuna-qabataynta aan loo dul-qaadan Karin ee saamayntooda la ogyahay. Balse madaxda sar-sare ee NATO waxa sidoo kale ka soo yeedhaya hanjabaado ka dhan ah dalkayaga,” sidaas waxa yidhi madaxweynaha Ruushka.

Ciidamada Difaaca ee Ruushka ayaa ka kooban qaybaha kala duwan ee gantaalada Riddada fog, hadday ahaan lahayd kuwa xambaarsa hubka Nukliyeerka iyo kuwa Caadiga ah, kuwaas oo loo isticmaali karo Difaac iyo weerarba, sida ay qortay RT oo intaas ku daray in ciidammadan si gaar ah loogu talo-galay inay Ruushka iyo Xulafadiisa ka difaacaan weerarro dibadda kaga yimaadda.

Hadalka ka soo yeedhay madaxweyne Putin, ayaa ku soo beegmaya Xilli uu meel xasaasi ah marayo Duullaan ciidamada Ruushku ku qaadeen Ukraine oo bilaabmay 24-kii bishan February. Duullaanka Milatari ee Ruushka ayaa daba-socday kaddib markii Baarlamaanka dalkaasi u codeeyey inay dalal madax-bannaan u aqoonsadeen Jamhuuriyadaha Donetsk iyo Lugansk oo ku yaalla gobolka Domboss ee Bariga dalka Ukraine oo gacanta ugu jira Jabhado hubaysan oo taageero Milatari iyo mid dhaqaaleba ka hela Dalweynaha Ruushka.

Dalalka Reer Galbeedka ayaa tallaabada Ruushka kaga jawaabay Cuna-qabatayno horleh oo ay ku soo rogeen dalka Ruushka, kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday hay’adaha dowladda, masuuliyiinta dowladda, ganacsatada Ruushka iyo xidhiidhada Ganacsi iyo Dhaqaale ee dalkaasi la leeyahay reer Galbeedka.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories