HomeMadaxweynaha oo Tacsi  u Diray Taliyihii Birmadka Saaxil oo Xalay Aas Qaran...

Madaxweynaha oo Tacsi  u Diray Taliyihii Birmadka Saaxil oo Xalay Aas Qaran loo Sameeyey

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (Hubaal)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa dhambaal tacsi ah u diray qoyskii, qaraabadii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay ALLE ha u naxariistee Marxuum- Aadan Guuleed Daahir (Tallaabo) oo khamiistii askari ka tirsan Booliska Berbera dilay.  Sidaasna waxa lagu sheegay dhambaal tacsi ah oo uu xalay soo saaray waxaanu u dhignaa sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo Isagoo ku hadlaya magaciisa iyo ka shacbiga Somalilandba waxa uu tacsi u dirayaa Saraakiisha, Saraakiil ku xigeenka, Ciidamada Booliska iyo masuuliyiinta kala duwan ee Ciidamada Qaranka Somaliland, isagoo ka tacsiyadaynaya geerida Taliyihii Ciidanka Birmadka Gobolka Saaxiil Marxuum Aadan Guuleed Daahir (Tallaabo) oo 17-12-2015 uu Askari ka tirsan Ciidanka Boolisku ku diley Magaalada Berbera. Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu tacsi taa la mida u dirayaa Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii iyo Asxaabtii uu ka baxay marxuumku.  Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waxa uu ALLE uga baryayaa marxuumka inuu naxariistii janatu fardawsa ka waraabiyo shacabka iyo Ciidamada Qarankana samir iyo iimaan ka siiyo marxuumka. IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN.”

Aas Qaran Oo Xalay Loo Sameeyey Meydka taliyihii ciidanka Birmadka  ee gobolka Saaxil

Alle ha u naxariistee waxaa xalay  qabuuraha magaalada Berbera aas qaran iyo sagootis loogu sameeyay taliyaha ciidanka Birmadka booliska ee gobolka Saaxil Marxuum Xidigle Aadan Guuleed Daahir oo ahaa oo uu dorraad askari Boolis Cabdirisaaq Maxamed Khayre toogasho ku dilay waxaanay shalay Maxkamadda ciidanka ee derejada koobaad ay dil toogasho ah ku xukuntay gacan ku dhiiglaha oo ciidanku gacanta ku hayaan.

Aaska Marxuumka oo ay xalay ka qayb galeen Madaxda gobolka Saaxil oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha gobolka Fahmi Cabdi Bidaar, Maayarka degmada Cabdishakuur Maxamuud Ciddin iyo Masuuliyiinta laamaha dawladda ee kala duwan, taliyeyaasha ciidamada heer gobol iyo degmo ee Saaxil iyo Berbera.Culimo awdiinka magaalada iyo dadweyne aad u tiro badan oo kale.

Aaska marxuumka ayaa ka dambeeyay ka dib markii Marxuumka qoyskiisu ay ku qanceen in la aaso lagana war sugo xukunka Maxkamadda oo derejadii koobaad Shalay ku xukuntay gacan ku dhiiglihii dilka taliyaha geystay Xukun dil ah.

Waxaanay isku af-garteen masuuliyiinta gobolka iyo ehelada uu ka baxay taliyaha geeriyooday in ay ka wada war sugaan derejada labaad ee Maxkamadda iyo xukunka ka soo bixi doona.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories