HomeMadaxweynaha oo shahaado-sharafeeddo guddoonsiiyey saraakiil ciidamada qaranka Katirsan Oo Derejooyin Sare Kaga...

Madaxweynaha oo shahaado-sharafeeddo guddoonsiiyey saraakiil ciidamada qaranka Katirsan Oo Derejooyin Sare Kaga Soo Qalin Jabiyey Jaamacado Dibadda ah

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shahaado-sharafeeddo ku maamuusay lix sarkaal oo  kasoo qalin-jabiyey jaamacado dibadda ah, kuwaas oo qaarkood kaalmo sare ka galeen jaamacadihii ay wax kasoo barteen.

IMG_0433Madaxweynaha oo uu wehelinayo madaxweyne-ku-xigeenka jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), taliyaha ciidamada qaranka sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil, xubno kamid ah golaha wasiirrada, ayaa xafiiskiisa kusoo dhaweeyey lix sarkaal oo dhawaan waxbarashada heerka sare ee jaamacadda kasoo bartay dalalka dibadda, islamarkaana ay tiro kamid ahi billado dahab ah ku mutuysteen kaalmo sare oo ay galeen.

8B7A9856Ugu horrayn taliyaha ciidamada qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani oo ugu horrayn madasha lagu maamuusayey saraakiishan ciidanka qaranka katirsan hadal kooban ka jeediyey, ayaa ka warbixiyey muhiimadda ay saraakiishani ciidanka qaranka u leeyihiin iyo sida ay ugu faraxsan yihiin kulanka uu madaxweynuhu ku maamuusay, waxana uu yidhi, “Madaxweyne nimankani way dedaaleen oo kaalmo sare ayey ka galeen kulliyado ay umaddo badani ku jireen, iyagana waxa farxad u ah inay maanta madaxweynahoodii hor joogaan oo in la ogyahay ay ogaadaan, adiga oo ciidanka aqoon ugu lahaa maantan madaxweyne ah.”

Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane  Ciise Axmed Yuusuf oo isaguna madasha saraakiishan lagu maamuusayey ka hadlay, ayaa madaxweynaha uga mahad celiyey muhiimadda uu ciidanka siiyey iyo sida kasha furan ee uu u qaabilay saraakiisha waqtiga badan geliyey inay heerkooda aqooneed kor u qaadaan.

8B7A9873Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa isaguna dhinaciisa sharraxay muhiimadda ay qaranka u leedahay  sida ay saraakiishani magacii iyo maamuuskii dalka iyo kii dadkaba kor ugu qaadeen, isaga oo si weynna ugu mahad celiyey, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Aad iyo aad baan u hambalyeynayaa saraakiisha billadaha dahabka ah kusoo qalin-jabiyey, qarankana waxa ugu magac weyn ninka fagaare caalami ah wax dalka lagu xasuusto kasoo saaro, qaran ahaanna aad iyo aad baa la idiinku xasuusan doonaa guushaas aad maanta keenteen ee sharafta, diblomaasiyadda, magac, aqoon iyo maamuuska militeriba ah.”

IMG_0362Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu halkaas shahaado-sharafyo uu ku maamuusayo guddoonsiiyey lixdan sarkaal ee katirsan ciidamada qaranka, kuwaas oo magacyadoodu kala yihiin: Gaashaanle Axmed Ciise Axmed, Gaashaanle Siciid Aadan Cabdi, Gaashaanle Maxamed Daahir Jibriil, Gaashaanle Axmed Dagaal Dhimbiil, Gaashaanle Cabdikariin Maxamed Yuusuf, Dhamme Mustafe Cali Maxamed.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories