Hargeysa(SLpost)-Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu dhambaal tacsi ah u diray guud ahana shacabiga Somaliland gaar ahaan qoyska uu ka baxay marxuum Maxamedd Warsame Xirsi (TITI) oo uu madaxweynuu ku sifeeyay hawlkar.
Waxaana dhamnbaalka tacsida ah ee ka soo baxay qasriga madaxtooyadu uu u dhignaa sidan
TACSIMADAXWEYNE
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
MadaxweynahaJamhuuriyaddaSomaliland Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa, iyo kan shacabka Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah udirayaaguud ahaan shacbiga Somaliland ee uu ka baxayMarxuum Maxamed Warsame Xirsi (TITI)oo ahaaMadaxii Xoghaymaha Xafiiska Madaxweynahaoo Xalay ku geeriyooday Magaalada Hargeysa laguna aasay maanta oo ay taariikhdu tahay 04/01/2016.
Madaxweynuhu waxa uusidoo kaletacsiu dirayaa guud ahaan shaqaalahaWasaaraddaMadaxtooyada Somaliland,Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Guud ahaanshacbiga Somaliland.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku tilmaamaywaayo arag, ruug cadaaya oo qaranka Somaliland ka baxay, kuna sifaysnaa karti, dedaal iyo daacadnimo uu u hibeeyey shaqadiisa, kaalin muhiimana ku lahaa Madaxtooyada iyo Qarankaba.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo,Shaqaalaha Madaxtooyada,Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)
Af-hayeenkaMadaxweynahaJSL.

