HomeMadaxweynaha oo Shacabka iyo Qaraabadii ay ka baxeen ka tacsiyadeeyey Shan Marxuum...

Madaxweynaha oo Shacabka iyo Qaraabadii ay ka baxeen ka tacsiyadeeyey Shan Marxuum oo Maanta Shil-baabuur ku Geeriyooday

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

madaxweyne siilaanyoHargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta dhambaal tacsi ah u diray qoysaskii ay ka baxeen shan qof oo ku geeriyooday shil baabuur oo ka dhacay jidka isku xidha Hargeysa iyo Berbera.

Sidaasna waxa lagu sheegay dhambaal tacsi ah oo uu soo saaray afhayeenka Madaxtooyadda Axmed Saleebaan Dhuxul, waxaanu u dhignaa sidan:-
Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Eheladii, Qoysaskii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo guud ahaan Shacbiga Somaliland isaga oo ka tacsiyadaynaaya geeridii ku timid Alle ha u naxariistee 5 qof oo muwaadiniin ah oo isku dhac shil baabuur ugu geeriyooday 21/11/2013 agagaarka Tuulada Xamaas ee duleedka Berbera.

ALLE ha u naxariistee muwaadiniintaasi waxa uu madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland illaahay uga rajeeyey inuu naxaristii janno ka waraabiyo Eheladii, Qoysaskii iyo qaraabadii ay ka tageena Illaahay samir iyo iiman ka siiyo.

Waxaanu Madaxweynuhu caafimaad Illaahay uga rajaynayaa dhamaan dadkii ku dhaawacmay shilkaasi in uu caafimaad sareecana uu siiyo.IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN.”

Shilkan naxdinta leh ayaa noqonayaa kii labaad noociisa ah ee todobaad gudihii dalka ka dhaca. Maalintii Salaasada ee todobaadkan waxa jidka laamiga ah ee u dhexeeya Hargeysa iyo tuulada Abaarso ka dhacay shil ay ku geeriyooday Shan qof oo saddex ka mid ahi ka tirsanayeen shaqaalaha Shirkadda SOMCABLE Ka dib markii ay isku dhaceen baabuur ay wateen iyo gaadhi Xamuul ah oo ku soo jeeday dhinaca magaalada Hargeysa, halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen lix qof oo kale.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories