HomeMadaxweynaha oo markii u horeysay ka hadlay Xiisadda Suldaan Wabar Kiciyey iyo...

Madaxweynaha oo markii u horeysay ka hadlay Xiisadda Suldaan Wabar Kiciyey iyo Khilaafka Murashaxnimada Kulmiye

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

“Kursigan anigaa ku fadhiya oo xisbigu ii gartay mustaqbalkana waan sharraxanahay, saxna maaha in aad isku kay dul-qabsataan”

“Kii wax tabanaya ee sida odayadii dhaqanka ee halkan iigu yimi waa soo dhawaynaynaa, waa u garaabaynaa wixii ay leedahayna waa marinaynaa, balse qofka sida Suldaan Wabar qaran dumiska ah ee qoriga qaata, waxaanu ka qaadi doonaa tallaabo sharciga waafaqsan.”

Hargeya (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilanayo), ayaa markii u horeysay ka hadlay xiisadda ka soo cusboonaatay khilaafka murashaxnimada Xisbiga Kulmiye oo muddooyinkii u dambeeyey dhoolatus siyaasadeed oo loolan beelaysan wata kudhexmaray wasiirro xukuumadda ka tirsan iyo hoggaanka Xisbiga Kulmiye.

SIILAANYOMadaxweyne Siilaanyo oo maanta jeediyey khudbad-sannadkiisa uu shacabka kula hadlo, waxa kale oo uu ka hadlay xiisadda siyaasadeed ee ka aloosan gobolka Awdal ee uu horseedka ka yahay Suldaan Abibakar Wabar oo dhowaan ku dhawaaqay hadallo liddi ku ah midnimada iyo qaranimada Somaliland, kaas oo uu ku sheegay in gobollada Awdal iyo Selal aanay ka sii mid ahaan doonin Somaliland. Iyada oo arrinta Suldaanku kaga dhawaajiyey ka dhalatay tabashooyin la xidhiidha saami-qaybsiga xilalka dawladda oo madax-dhaqameedka Awdal u gudbiyeen madaxweyne Siilaanyo, madaxweynuhuna u saaray guddi Wasiirro ah oo arrintaas soo baadha, balse aan ilaa immika wax natiijo ah laga soo saarin. Waxaanu madaxweynuhu arrintaas ku tilmaamay mid ka hor imanaysa qaranimada.

“Dhawaanahan waxaa soo baxayey Suldaan ku baaqayey qalalaase, colaad iyo in qoriga la qaato, oo qarankan la dumiyo.

Waxaan leeyahay Somaliland waa qaran tashaday qof keliyina ma dumin karo, qaar hore isugu dayeyna way ku qasaaroobeen oo Bulshada Somaliland way ka tashatay qof waddo qalloocan iyo qorshe gurracan ku baaqaya.

Waa la yaab Suldaan qori qaataa, ee suldaan samo-talis baa lagu ogaa, suldaan nabad-baa lagu ogaa.

 

Dalka Somaliland waa dal nabdoon oo dimuqraadi ah dadkiisuna waxay ku heshiiyeen in ay codkooda isbedelka ku sameeyaan, Qori lagama oggola cid aan ahayn Ciidamada Ammaanka, cidkasta oo ka talawda xuduudda qarannimada waxay ku amran yihiin inay gacan buuxda ku qabtaan waxaanay u leeyihiin awood ku filan iyo sharciyad dhammaystiran,” Sidaas ayuu yidhi Md Siilaanyo oo ka hadlayey Xiisadda ka taagan gobolka Awdal. Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Waa wax kala gaar ah tabashada iyo qaran-dumis-nimadu, kii wax tabanaya ee sida odayadii dhaqanka ee halkan iigu yimi waa soo dhawaynaynaa, waa u garaabaynaa wixii ay leedahayna waa marinaynaa, balse qofka sida Suldaan Wabar qaran dumiska ah ee qoriga qaata, waxaanu ka qaadi doonaa tallaabo sharciga waafaqsan.”

 

Md Axmed Siilaanyo waxa uu iftiimiyey mowqifkiisa la xidhiidha loolanka siyaasadeed ee ka taagan murashaxnimada Xisbiga Kulmiye oo ay ku loolamayaan Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Samaale iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis, ka dib marka uu Md Siilaanyo dhammaysto muddo-xileedkiisa labaad ee tartanka doorashada soo socota.

“Waxaa muuqatay is-maandhaaf iyo hirdan kaadirkii Xisbiga Kulmiye qaar ka mid ahi ay maalmahan saxaafaddu soo bandhigaysay damacooda siyaasadeed ee ku wajahan kursigan aan ku fadhiya. Waxaan leeyahay Kursigan anigaa ku fadhiya oo xisbigu ii gartay mustaqbalkana waan sharraxanahay, saxna maaha in aad isku kay dul-qabsataan wixii iga dambeeya Ilaahay ha ina gaadhsiiyo, Xisbiguna waa Xisbi dimuqraadi ah oo waa lagu tartamayaa dhexdiisa, waxaana ina sugaya Xisbiyo kale oo inala tartamaya, walaalayaal yaynaan cidla ku xiiqin oo isku qabsan, yeynaan wax aan joogin isku colaadsan, kolay meel dad-joogo qalooc iyo qardoofo laga waayi maayo ee aan ilaalinno wada jirka Xisbiga iyo Midnimadiisa.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories