HomeMadaxweynaha oo Magacaabay Xubnaha Guddiga Heer Qaran ee Xuquuqal Iinssaanka iyo Ku-xigeenka...

Madaxweynaha oo Magacaabay Xubnaha Guddiga Heer Qaran ee Xuquuqal Iinssaanka iyo Ku-xigeenka Hanti-dhowrka Guud

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa magacaabay Guddiga Heer Qaran ee Komishanka Xuquuqal Iisaanka oo ka kooban Todoba Xubnood.

Wareegto kale oo ku lifaaqan war-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada, ayaa madaxweynuhu ku magacaabay Ku-xigeenka Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka.,

“Nimanka Saaka na soo weeraray waxaanu u galaynaa sidaanu Siyaad Barre u galnay” – Madaxweyne Muuse BiixiWareegtada ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha oo xambaarsan magacaabista Guddiga Xuquuqal Iinsaanka Qaranka, ayaa u qornayd Sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-156/072018, ku magacaabay Xubnaha Komishanka Xuquuqul Insaanka Qaranka.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Markaan Arkay:                  Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay:                  Xeerka Komishanka Xuquuqul Aadamah, Xeer Lr. 39/2010;

Markaan Helay:                   Qoraalka Guddida Xulista Xubnaha Komishanka Xuquuqul Aadamaha;

Markaan Tixgeliyey:          Ahmiyadda Komishanka Xuquuqul Aadamuhu u leedahay Dhismaha, Sumcaddda iyo Horumarka Qaranka;

 

Markaan Sameeyey:           La-tashi Ballaadhan;

Waxaan Go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan u magacaabo xubnaha magacyadoodu hoos ku xusan yihiin in ay noqdaan Xubnaha Komishanka Xuquuqul Insaanka Qaranka:

Tir. Magaca Xilka
1. Maxamed Baaruud Cali Xubin
2. Rooda Axmed Yaasiin Xubin
3. Muuse Cismaan Warsame Xubin
4. Saleebaan Warsame Guuleed Xubin
5. Waris Abshir Xaaji Diiriye Xubin
6. Cumar Maxamuud Xuseen Xubin
7. Cabdirashiid Siciid Cindi Xubin

 

Sidoo kale, Wareegtada madaxweynuhu ku magacaabay ku-xigeenka Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka, ayaa u qorneyd sidan:

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-157/072018, ku magacaabay ku-xigeenka Hanti-dhawraha guud ee qaranka.

 

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Markaan Arkay:                  Qodobka 90aad ee dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markaan Tixgeliyey:          Ahmiyadda uu ku-xigeenka Hanti-dhawraha guud u leeyahay dhisimaha Qaranka

 

Markaan Arkay:                  In baahi loo qabo buuxinta jagada Ku-xigeenka Hanti-dhawraha guud ee Qaranka

 

Markaan Fiirsaday:             Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

 

Markaan Sameeyey:           In uu hanan karo xilkan;

 

Waxaan Go’aamiyey;

 

In Mudane, Sacad Cabdi Cabdilaahi Riiraash, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado ku-xigeenka Hanti-dhawraha guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

 

 

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories