HomeMadaxweynaha oo Masuulkii Saddexaad u Magacaabay Booska Wakiilka Somaliland Ee Dalka Itoobiya...

Madaxweynaha oo Masuulkii Saddexaad u Magacaabay Booska Wakiilka Somaliland Ee Dalka Itoobiya oo muddo Siddeed Bilood ah laga sugayey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

GalaalHargeysa, (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa masuul cusub u magacaabay Booska Wakiilka Somaliland u qaabilsan dalka Itoobiya oo siddeeddii bilood ee u dambeeyey bannaanaa kaddib markii uu xilka ka qaaday Safiirkii Hore Aadan Nuux Dhuulle Badhtamaha sannadkii 2014-kii.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed maanta ka soo baxay Xafiiska Xidhiidhka Saxaafadda ee Madaxtooyada, Madaxweyne Siilaanyo, waxa uu Safiirka Cusub ee Somaliland u fadhiya dalka Itoobiya u magacaabay inuu noqdo Maxamuud Aadan Jaamac Galaal, kaddib markii sida war-saxaafadeedka lagu sheegay uu madaxweynuhu ku qancay kartidiisa iyo aqoonta uu u leeyahay shaqalada loo igmaday.

War-saxaafadeedka oo dhammaystiran, ayaa u qornaa sidan: “MAGACAABIDA WAKIILKA JAMHUURIYADDA SOMALILAND U FADHIYA DALKA ITOOBYA

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:                     Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (r) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:            Ahmiyadda Wakiiladda Somaliland u fadhiya dalalka dibaddu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:                     In baahi loo qabo buuxinta jagada Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Itoobya;

Markuu Ka Fiirsaday:        Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu Ku Qancay:           In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Maxamuud Aaden Jaamac Galaal, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Itoobya.” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka.

Masuulkan cusub ayaa noqonayaa wakiilkii saddexaad ee madaxweyne Siilaanyo u magacaabo Xafiiska dibloomasiyadeed ee Somaliland ku leedahay Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya tan wakhtigii uu qabtay talada dalka sannadkii 2010-kii.

Madaxweyne Siilaanyo, ayaa markii uu u horeysay ee uu soo dhisay Xukuumaddiisa wakhtigaas, waxa uu wakiilka Somaliland ee dalka Itoobiya u magacaabay Aqoonyahanka da’da yar ee Maxamed Xasan Siciid oo immika ah Agaasimaha Guud ee wasaaradda Arrimaha Dibadda, kaas oo muddo Kooban hayey xilkaas, waxaana xilkaas kala wareegay Wariyaha Caanka ah ee Aadan Nuux Dhuulo oo Md Siilaanyo Xilkaas u magaacabay.

Booska Wakiilka Somaliland ee dalka Itoobiya, ayaa bannaanaa Siddeeddii bilood ee u dambeeyey, kaddib markii uu madaxweynuhu badhtamaha sannadkii 2014kii  xilka ka qaaday Aadan Nuux Dhuulle, waxaana xilkaas si ku-meel gaadh ah u sii hayay ku-xigeenkiisa Mr Ayaanle oo isagu xilka ku wareejin doona Masuulka Cusub ee Md Axmed Siilaanyo caawa u magaacay Wakiilka Somaliland ee Itoobiya.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories