HomeMadaxweynaha oo Maalinta Saxaafadda Xorta ah ee Somaliland ku Xusay Kormeer uu...

Madaxweynaha oo Maalinta Saxaafadda Xorta ah ee Somaliland ku Xusay Kormeer uu ku maray Xarumaha Warbaahineed ee dawladda

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

“Saxaafadda waxaan leeyahay xilbaa ina wada-saaran, dhinacayada waanu ka soo baxaynaa ee idinkuna dhinaciina ka soo baxa” – Madaxweyne Siilaanyo

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa Xuska maalinta saxaafadda Xorta ah ee Somaliland oo maanta ku beegan ku xusay kormeer uu ku maray xarumaha Warbaahinta dawaladdu maamusho sida Wargeyska Dawan, Idaacadda iyo Telefishanka Dawladda oo dhammaantood hoos-yimaadda isla markaana qayb ka ah Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland.

DSC_0007Md Madaxweyne Siilaanyo waxa kale oo uu kormeer ku maray Xarunta Wargeyska Madaxa-bannaan ee Jamhuuriya oo ah Wargeyskii ugu horeeyey saxaafadda madaxa-bannaan eeee dalka laga hirgeliyo

Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Siilaanyo oo intii uu booqashada ku marayey xarumaha warbaabinta dawladda ka hadlay arrimaha Saxaafadda, waxa uu iftiimiyey muhiimadda warbaahintu u leedahay dhismaha dawladnimada iyo saamaynta ay ku yeelan karto bulshada iyo sixitaanka khaladaadka maamul ee jira.

“Saxaafaddu aad iyo aad ayay muhiim u tahay, hawlaha Qaranka waax weyn oo ka mid ah weeye, ahmiyadda iyo muhiimadda ay dadka iyo dalka u leedahay wax la wada-ogsoon yahay weeyi.

Saxaafaddu waa waxa umadda wax lagu gaadhsiiyo, waa waxa dunida innooga warrama, waa waxa wax lagu ogaado.

Saxaafaddu weji kalena waa leedahay, dhibaato badanna way geysan kartaa, wanaagna way tari kartaa. Illaahay waxaan ka baryeyaa saxaafaddeenu ay noqoto tu umadda iyo dalkaba wax tarta oo wax laga faa’iido,” sidaas ayuu yidhi Md Siilaanyo.

Madaxweynuhu waxa uu qiray kaalinta saxaafaddu ka qaadan karto toosinta iyo ka-talo-bixinta gol-daloolooyinka maamul ee jira, waxase uu ka digay in sifo qaldan looga faa’idaysto.

“Marka ay wax toosinayso dawladda qaladaadkeeda waa in la sheego, waxay ku wanaagsan tahayna waa in la sheego, wixii talo u baahanna waa in la sheego, laakiin wixii dhibaato keenaya inaynu iska ilaalinno ayaa dal iyo nololiba innoogu jirtaa.

Saxaafadda waxaan leeyahay xilbaa ina wada-saaran, dhinacayada waanu ka soo baxaynaa ee idinkuna dhinaciina ka soo baxa,” sidaas ayuu yidhi Md Siilaanyo.

Xuska maalinta Saxaafadda xorta ah ee Somaliland oo sannad kasta laga xuso dalka 9-ka bisha November, ayaa loo asteeyey isla markaana lagu maamuusay in lagu xusuusto Marxuum Maxamuud Cabdi Shide oo ahaa Aabihii iyo aasaasihii Dhidibbada u taagay saxaafadda Xorta ee Somaliland wax yar ka dib gooni-isu-taaggii Somaliland.

Maxamuud Cabdi Shide waxa uu wakhtigaas dalka keenay madbadacadii u horraysay wax lagu daabaco oo meesha ka saartay qaabkii gabboobay ee wargeysyadu isticmaali jireen iyo suurtagelinta dhiishkii u horreeyay ee lagala socdo wararka caalamka.

Xuska maalinta Saxaafadda Xorta ah ee Somaliland iyo hadalka madaxweyne Siilaanyo, ayaa ku soo beegmaya iyada oo ay xabsiyada ku jiraan Suxufiyiin ka hawl-gala warbaahinta kala duwan ee dalka isla markaana ay xidhan yihiin Xarumo warbaahineed oo sannadkan gudihiisa albaabada loo laabay kuwaas oo ay ka mid yihiin Wargeysyada Hubaal iyo Haatuf oo xukuumaddu xayiraad saartay, iyada oo xukuumadda madaxweyne Siilaanyo lagu tilmaamo maamulkii ugu xad-gudubka badnaa saxaafadda madaxa-bannaan ee dalka.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories