HomeMadaxweynaha oo Kullan ku Saabsan Hirgalinta Diiwaangelinta La Yeeshay Guddida Doorashooyinka iyo...

Madaxweynaha oo Kullan ku Saabsan Hirgalinta Diiwaangelinta La Yeeshay Guddida Doorashooyinka iyo Wasaaradda Daakhiliga

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa(SLpost)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa kulan wada jir ah maanta  xafiiskiisa kula yeeshay Guddida Doorashooyinka qaranka iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland.

Kulanka uu Madaxweyne Siilaanyo la wada yeeshay Gudiga Doorashooyinka iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa la xidhiidhay sidii ay labadoodu wada jir  ugu dhaqaaqi lahaayeen in ay dalka oo dhan ka wada hir galiyaan diiwaangalinta codbixiyeyaasha doorashooyinka soo socda.

Waxaanu Madaxweynaha Somaliland ku adkeeyay Guddida Doorashooyinka iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha in ay xil iska saaraan  diiwaan gelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka oo ah albaabka laga gelayo doorashooyinka Somaliland oo lagu wado inay dalka ka qabsoomaan 2017.ka.waxaanu Madaxweynuhu ku dardaaray in ay ka soo baxaan waajibaadka qaran ee ka saaran diiwaan gelinta codbixiyeyaasha.

Markii kulankaasi uu dhammaaday ayaa waxaa warbaahinta faah-faahin ka siiyay Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland  Md. Xuseen Aadan Cigge (Xuseen Deyr), waxaanu yidhi “Kulanka uu maanta Madaxweynuhu la yeeshay guddida doorashooyinka iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ahaa mid uu Madaxweynuhu kula dar-daarmayay Komishanka doorashooyinka iyo Wasaaradda Arrimaha guduhuba sidii ay xil iskaga saari lahaayeen ugana wada shaqayn lahaayeen diiwaan gelinta codbixiyeyaasha Doorashooyinka,mar haddii dalka ay ku soo dhow yihiin wakhtigii doorashooyinku.”

“Madaxweynuhu waxa uu  kula dar-daarmay in ay xidhiidh dhow oo wada shaqayn ah ka yeeshaan Guddida Doorashooyinka iyo Wasaaradda Daakhiligu diiwaan gelinta codbixiyeyaasha taasoo ah tallaabo muhiimadeeda leh oo ka mid ah arrimaha u baahan in la sii dhammays tiro wakhtiga doorashooyinku dalka ka qabsoomayaan ka hor.”ayuu yidhi Afhayeenku

Geesta kalena, Guddida doorashooyinka ayaa uga warramay madaxweyne Siilaanyo qaabka ay ugu diyaar-garoobeen hirgelinta diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories