HomeMadaxweynaha oo Kulan Xog-warran ah la Yeeshay Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta...

Madaxweynaha oo Kulan Xog-warran ah la Yeeshay Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Hargeysa(SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silanyo ayaa Xafiiskiisa kulan ballaadhan kula yeeshay masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare. Madaxweyne Axmed Siilanyo ujeedada ugu muhiimsan ee ugu yeedhay masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare waxa weeye si ay uga war bixiyaan, Madaxweynuhuna uga helo xog dhammaystiran wixii sannadkan 2015-ka Wasaaraddooda u qabsoomay, wixii aan u qabsoomin, caqabadaha ka hor yimid iyo weliba qorshaha, hilaadda iyo hiigsiga ay leeyihiin sannadka 2016-ka.

????????????????????????????????????
Madaxweynaha iyo Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada

Kulanka waxa shir-guddoominayey Madaxweynaha waxana goob-joog ahaa Madaxweynaha, Madaxweyne/ku-xigeenka, Wasiirka Madaxtooyada, Wasiirka waxbarashada, Wasiiru Dawlaha wasaaradda waxbarashada, Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda waxbarashada Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada,Agaasimaha Guud ee Waxbarashada, Agaasimaha Guud ee Tacliinta Sare, Guddida Tacliinta Sare, Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka, Waaxda Manhajka iyo Tababarrada iyo waliba aqoonyahano kale oo xilal sare ka haya Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare.

Ugu horrayn waxa hadalka bilaabay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mudane Cabdillaahi Ibraahim Habbane oo Madaxweynaha JSL uga mahad-naqay kulanka xog-warranka ah ee Wasaaraddiisa loogu yeedhay. Wasiirku wuxuu si guud-mar-ah uga war bixiyey in Siyaasadda hagta Wasaaraddiisu ay qayb muhiim ah ka tahay siyaasadda guud ee ay Xukuumaddu ka leedahay adeegga Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Qaranka JSL. Wasiir Habbane wuxuu tibaaxay in ummad walba ay u egtahay sida ay waxbarashadoodu u egtahay. Sidaa darteed, in masuuliyadda koowaad ee Wasaaraddiisa saarani ay tahay gudbinta iyo baahinta wax-barshada aasaasiga ah si ilma kasta oo reer Somaliland ah uu u helo fursad wax-barasho. Sidoo kale, tabinta aqoonta iyo tayaynta waxbarashadu waa waajibaadka muhiimka ah ee saaran WasaaraddaWaxbarashada iyo Tacliinta Sare. Wasiir Habbane wuxuu sheegay in Wasaaraddiisa iyo hawl-wadeenadeeduba ay si weyn ugu baraarugsan yihiin kaalintooda bulsho,  isagoo tilmaamay in Wasaaradiisu ay Qaranka uga wakiil tahay bixinta adeeg dadweyne oo xagga Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ah oo tayo leh.

Kulankii xog-warranka ahaa ee uu Madaxweyne Axmed Siilanyo ugu yeedhay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare waxa iyaguna ka war bixiyay Wasiiru Dawlaha Mudane Axmed Nuur Faahiye iyo labadada (2) Agaasime Guud ee Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mudane Abiib Axmed Cali iyo Mudane Yusuf Axmed Cali oo iyagu si qoto dheer uga xog warramay wax-qabadka iyo horumarka ay Wasaaraddu ku tallaabsatay. Wasiiru Dawlaha iyo Labada Agaasime Guud waxay si mug leh uga war bixiyeen isla markaana ay hoosta ka xarriiqeen korodhka tirada ardayda dhigata iskuullada hoose, kuwa sare iyo Jaamacadaha, Tirada Macallimiinta iyo  koboca Miisaaniyadda ay ku shaqayso Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare muddadii ay Xukuumadda Axmed Siilaanyo talada dalka haysay.

Tirada Iskuulada Hoose 2010 Tirada Iskuulada Hoose 2015 Tirada Iskuulada Sare 2010 Tirada Iskuulada Sare 2015
684 Iskuul 931 Iskuul 61 Iskuul 85 Iskuul
 

 

Tirada guud ee ardayda dhigata Iskuulada Hoose iyo Sare 2010 Tirada guud ee ardayda dhigata Iskuulada Hoose iyo Sare 2015
160,000 (oo arday) 232,546 (oo arday)

Tirada Macalimiinta Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare 2010 Tirada Macalimiinta Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare2015
2,707 Macallin 6,376 Macallin
Miisaaniyadda Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare 2010 Miisaaniyadda Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare 2015
13 Bilyan SLSH 77 Bilyan SLSH (467%)

Wasiiru Dawlaha iyo labada Agaasime Guud waxay tilmaameen doorka ay Wasaaradda ku leedahay horumarka bulshadeena, sidaa darteedna ay lagama maarmaan tahay inay qayb laxaad leh ka qaataan fulinta iyo hirgelinta qorshayaasha iyo hadafka ay Xukuumaddu leedahay xilliga dhaw iyo xilliga dheerba. Sidoo kale waxay ka war-bixiyeen hadafka iyo hiigsiga u astaysan iyo weliba baahiyaha daruuriga ah ee haysta Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee wax-ka-qabasho u baahan.

Waxa iyaguna kulankaa hadal kooban oo miisaaman ka soo jeediyey M/weyne/k/xigeenka JSL Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi oo masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ku booriyey inay mudnaanta koowaad siiyaan sidii ay bulshada u siin lahaayeen adeeg-Waxbarsho oo tayo leh isla markaana ay ku dadaalaan sidii loo wanaajin lahaa tayada waxbarasho ee iskuullada Dawladda taasoo salka ku haysa siyaasadda guud ee Xukuumadda.

Ugu dambayntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo oo si aad u qoto dheer u dhegaysanayey su’aalana ka weydiinayey xog-warranka ay bixinayeen masuuliyiintii hor fadhiday, wuxuu kulankii ku soo gaba-gaboobay hadal dar-daaran iyo dhiirrigelinba ahaa oo uu Madaxweynuhu u soo jeediyey masuuliyiinta WasaaraddaWaxbarashada iyo Tacliinta Sare isagoo sheegay in tayada wax barasho ee ay ummadi leedahay ay ka tarjumi karto horumarka iyo hiigsiga ay ummaddaasi leedahay. Gabagabadii Madaxweynuhu wuxuu masuuliyiintaa dhammaantoodba ku booriyey inay sida ugu habboon u gutaan waajibaadka iyo xilka ay ummadda u hayaan.

Source: Afhayeenka Madaxtooyada

Somalilandpost, Hargeysa Office.

Somalilandpost@live.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories