HomeMadaxweynaha oo Kulan La Yeeshay Ergayga Turkigu u soo Magacawday Wadahadalka Somaliland...

Madaxweynaha oo Kulan La Yeeshay Ergayga Turkigu u soo Magacawday Wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa(SLpost)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa kulan la yeeshay ergayga ay dawladda Turkigu u soo magacawday wada hadalada Somaliland iyo Somaliya danjire Ahmet R?za Demirer oo dalka ku yimid safarkiisii u horeeyay.Siilaanyo

Kulankaas habeen hore  oo ahaa mid ay albaabadu u xidhnaayeen, ayaa waxa qoraal kooban oo ay barteeda twitterka ku baahisay ay qunsuliyada Turkiga ee Hargeysa ku sheegtay in lagaga wada hadlay wada hadalada Somaliland iyo Somaliiya. “Safarkiisii u horeeyay ee uu Somaliland ku yimid ergayga gaarka ah ee Turkiga danjire, waxa qaabilay Madaxweyne Siilaanyo.” ayaa lagu yidhi qoraalka kooban oo intaas la raaciyay, “Xubno wasiiro ah ayaa iyaguna kulanka joogay. Inta badan waxa wada hadalka diirada lagu saaray wada hadalada Somaliland iyo Somaliya.”

Qunsuliyada Turkiga ee Hargeysa ma bixin faahfaahin dheeraad ah. Hase yeeshee ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika u sheegay in kulanka oo u muuqday mid isbarasho ah sidoo kale lagu soo hadal qaaday sawiro maalmihii u dambeeyay banaanka u soo baxay kuwaas oo ay ka dhex muuqdeen qunsulka Hargeysa ee Turkiga oo kulan la yeeshay qaar ka mid ah madaxdhaqameedka Hargeysa, waxaana la sheegay in diblomaasiga Turkiga u jooga Hargeysa uu raaligelin ka bixiyay sawiradaas, isagoo sheegay inuu ahaa kulan is barasho ah oo uu 8 bilood ka hor la yeeshay qaybaha kala duwan ee bulshada Somaliland, waxaanu kulanka ka sheegay inaanay wada hadalada Somaliland iyo Somaliya kala xidhiidhayn cid aan ahayn dawladda Somaliland.

Madaxtooyada Somaliland ayaan wax war ah ka soo saarin kulankaas oo ay Madaxweyne Siilaanyo ku weheliyeen madaxweyne-xigeenka, guddoomiyaha KULMIYE iyo xubno wasiiro ah.

 

Somalilandpost.net

Hargeysa- Somaliland

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories