HomeMadaxweynaha oo Kormeer ku maray Dekedda iyo Madaarka Berbera oo Mashaariic horumarineed...

Madaxweynaha oo Kormeer ku maray Dekedda iyo Madaarka Berbera oo Mashaariic horumarineed ka socoto

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta kormeer ballaadhan maray mashaariic horumarineed iyo ballaadhin lagu samaynayo adeegyada ay bulshada u hayso ay ka socoto.

Madaxweyne Siilaanyo iyo wefti uu hoggaaminayo oo maanta duleedka magaalada Berbera kaga qayb-galay xaflad markab dushii loogu sameeyey gunaanadka tabobar dawladda Ingiriisku u samaysay Ilaalada Xeebaha Somaliland, waxa uu kormeer uu ugu kuur-galay heerka adeegyada ay bulshada u hayaan ku maray Dekedda iyo Madaarka magaalada Berbera.

DSC_0529Madaxweynuhu waxa uu kormeerkiisa ka bilaabay Dekedda Berbera oo hawlo adeegyadeeda lagu ballaadhinayo ay socotay muddooyinkii u dambeeyey, waxaana madaxweynaha faahfaahin ka siiyey hawlaha horumarineed ee dekedda ka socda Maareeye Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor-xoor) oo sheegay in ujeeddada ballaadhinta dekeddu qayb ka tahay tartan Dekedda Berbera ugu jirto Suuqa Geeska Afrika, si waddamada Jaarka ahi u adeegsadaan dekedda Berbera.

Madaxweynuhu waxa uu ku ammaanay maamulka dekedda Berbera dedaallada ay ugu jiraan horumarinta adeegyada ay bulshada u hayaan iyo kasbashada kalsoonida waddamada deriska iyo isticmaalkooda dekedda Berbera. “Waxa aan alle kaaga baryayaa inuu kula qabto oo uu inagu simo iyada oo markan marka xigta aynu xadhiga ka jari doono Insha Allah, tiiyoo aad ku guulaysatay dhamaystirkeeda,” sidaas ayuu yidhi Md Siilaanyo oo la hadlayey maamulka Dekedda Berbera.

Sidoo kale, waxa uu madaxweynuhu u gudbay Madaarka Berbera isaga oo kormeer ku sameeyey qaybo cusub oo lagu kordhiyey madaarka oo dhismahoodu socdo iyo mashaariic kale oo laga fulinayo, waxaana halkaas madaxweynaha ku qaabilay wasiirkii Duulista iyo Hawada Maxamuud Xaashi Cabdi oo madaxweynaha u sharraxay mashaariicda horumarineed ee wasaaraddiisu ka waddo madaarka Berbera.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories