HomeMadaxweynaha oo ka hadlay Geeri ku timi Saddex Marxuum oo magac ku...

Madaxweynaha oo ka hadlay Geeri ku timi Saddex Marxuum oo magac ku lahaa bulshada dhexdeeda

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

siilaanyo1111Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa ehelkii, qaraabadii iyo Shacabka Somaliland ee ay ka baxeen ka tacsiyadeeyey geeri ku timi Saddex marxuum oo maalintii Shalay ilaa maanta ku kala geeriyooday dalalka Somaliland, Sucuudiga iyo Maraykanka.

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu tacsi u diray ehelladii iyo qaraabadii ay ka baxeen Alle ha u naxariistee Suldaan Maxamed Cabdilaahi (Galaal) oo shalay ku geeriyooday magaalada Barakaysan ee Makka oo u joogay gudashada Waajibaadka Xajka ee sannadkan, isagoo marxuumku ka mid ahaa madax-dhaqameedka sida weyn looga yaqaano deegaannada Soomaalida gaar ahaan Somaliland.

Madaxweyne Siilaanyo waxa kale oo uu ka hadlay geerida Alle ha u naxariistee Marxuumad Hindisa Cabdi Jaamac oo maanta ku geeriyootay dalka Maraykanka, waxaanu madaxweynuhu si gaar ah geerida Marxuumadda uga tacsiyadeeyey Wasiirka Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr Saleebaan Xagla-toosiye oo marxuumaddu hooyadii ahayd.

Waxa kale oo uu Md Siilaanyo tacsi u diray ehelka iyo qaraabadii uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Geeddi (Cali Ardo) oo ku geeriyooday degmada War-idaad ee gobolka Saraar. Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku tilmaamay oday dhaqan oo ka baxay shacbiga iyo qaranka Somaliland, in badana ka soo shaqeeyey nabad kuwada noolanshaha shacbiga Somaliland, sidoo kale waxa uu ka mid ahaa waayeelka ugu da’a weyn dalka.

Sida lagu sheegay dhambaallo tacsi ah oo maanta ka soo baxay xafiiska Afhayeenka madaxtooyada Somaliland, waxa uu madaxweynuhu tacsi u diray Sulaadiinta, Cuqaasha, Boqorada, Ugaasyada, iyo guud ahaan shacbiga Somaliland isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid ALLE ha u naxariistee Marxuum Suldaan Maxamed Cabdilaahi (Galaal) oo ku geeriyooday Masjidka Barakaysan ee Xaramka.

Waxaanu Madaxweynuhu Suldaanka ku tilmaamay tiir ka baxay bahda dhaqanka, isagoo in badan ka dhexmuuqday xalinta arrimaha nabadaynta beelaha walaalaha ah ee wada dega Somaliland, kana mid ahaa oday dhaqameedkii salka u dhigay qaranimada Somaliland.

Ugu dambayntii, waxa uu madaxweynaha Somaliland Ebbe uga baryey Saddexda marxuum, inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, dhammaan ehelladii, qaraabadii, madax-dhaqameedka iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeenna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories