HomeMadaxweynaha Oo Dhagax-Dhigay Dhismeyaal Cusub Oo Lagu Soo Kordhinayo Keydka Haamaha Shidaalka...

Madaxweynaha Oo Dhagax-Dhigay Dhismeyaal Cusub Oo Lagu Soo Kordhinayo Keydka Haamaha Shidaalka Berbera

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Berbera (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta si rasmi ah u dhagax-dhigay haamo cusub oo keydka shidaalka ah oo ay shirkadda Trafigura ka hirgelin doonto magaalada Berbera.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo wefti uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku jooga magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, ayaa si rasmi ah u dhagax-dhigay haamo cusub oo casri ah oo la dhisi doono, kuwaas oo wax badan ka tari doona baahida shidaalka ee dalka iyo midda deriskaba.

Ugu horrayn waxa madasha ka hadlay maareeyaha haamaha shidaalka, Mudane Axmed Ibraahim Cabdi oo halkaas ka hadlay, ayaa faahfaahiyey muhiimadda uu mashruucani u leeyahay qaranka, waxana uu ku tilmaamay maalgashi weyn oo soo jiidan kara shirkado kale oo caalami ah.

Guddoomiyaha gobolka Saaxil Cali Cabdi Cabdilaahi (Cali-case) iyo duga degmada Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Ciddin), ayaa iyaguna ku dheeraaday keydka cusub ee shidaal ee la dhagax-dhigay, waxana ay tilmaameen inay wax badan kusoo kordhinayaan muhiimadda ay Berberi qaranka u leedahay.

Mr. Hadi Hallouche oo ku hadlaya magaca shirkadda maalgashatay haamaha cusub ee shidaalka ee Trafigura, ayaa Somaliland ku ammaanay wada-shaqaynta iyo heellanaanta dhinaca maalgashiga ah ee ay muujisay, waxana uu hoosta ka xarriiqay inay shirkad ahaan diyaar u yihiin sidii uu mashruuca lagu dhisayo keydkan shidaal u guulaysan lahaa.

Wasiirrada wasaaradaha horumarinta Maaliyadda iyo Ganacsiga, Dr. Sacad Cali Shire iyo Mudane Maxamuud Xasan Sacad (Saajin), ayaa iyaguna si isku mid ah usoo dhaweeyey maalgashiga dhinaca keydka shidaalka ah ee ay shirkadda Trafigura ka hirgelisay Berbera, waxana ay xuseen inuu mashruucani Somaliland guul u yahay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda kelmedo kooban ka jeediyey, ayaa soo dhaweeyey mashruucan keydka shidaalka lagu dhisayo, waxana uu tilmaamay inay ka dawlad ahaan amniga shirkadda iyo dhaqaalahoodaba ballan qaadayaan.

“Somaliland waxa ay shirkadda Trafigura u ballan qaadaysaa nabadgelyo, wada-shaqayn iyo horumar, dhaqaalahooda, dadkooda iyo qalabkooduna ay ammaan ku noqonayaan Somaliland,” ayuu yidhi madaxweynuhu.

Madaxweynuhu waxa uu khudbaddiisa kusoo qaatay shaqsiyaad isku dayaya inay amniga iyo wada-jirka ummadda khalkhalgeliyaan, waxana uu tilmaamay in cadowga Somaliland isu soo bahaystay suurad-xumaynta dalka, balse ay shacabku arrintaas kaga jiraan feejignaan dheeraad ah.

“Adduunyada Ilaahay waxa uu abuuray shar iyo khayr oo ay nolosha Bani’aadamku ku xidhan tahay, markasta oo wanaagga, horumarinta loo jeesta oo wanaag la doonayaba cid shaydaan u adeegaysa ama shaydaanba wato oo dhibaato ama wax ummadda dibudhac ku samaynaya la timaaddaa jira, aniguna waxan leeyahay cidda maanta dhibaatadaa Somaliland dhibaatadaa ku abuuraysaa waa cadowga Somaliland oo doonaya inaanay Somaliland horumar dhaqaale, mid siyaasadeed iyo mid dhaqanba aanay samaynin, waxanse ku kalsoonahay in shacabka Somaliland meel uu joogaba ka midaysan yahay inuu u jeesto horumarka, kana hortago wax kasta oo ka hor imanaya nabadda, horumarka, dawladnimada iyo qarannimada Somaliland, waana ta aynu iskaga difaacayno,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Ugu dambayntii, madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu u mahadnaqay shirkadaha waaweyn ee dalka oo uu sheegay in maalgashiga ay gudaha ku sameeyeen soo jiidatay maalgashi dibadeed oo ay dalka ku yimaaddeen shirkado caalami ahi.

blank blank blank

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories