HomeMadaxweynaha oo Dalka ku soo laabtay Kana War-bixiyey Natiijada Kulan Dhexmaray Raysal-wasaaraha...

Madaxweynaha oo Dalka ku soo laabtay Kana War-bixiyey Natiijada Kulan Dhexmaray Raysal-wasaaraha Itoobiya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

IMG_0140Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa ka warbixiyey ujeeddada kulan uu magaalada Addis Ababa kula qaatay Raysal-wsaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn oo marti-qaad rasmi ah u soo diray madaxweynaha.

IMG_0026Md Axmed Siilaanyo oo maanta ka soo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ka dib socdaal laba maalmood qaatay uu ugu maqnaa magaalada Addis Ababa, ayaa sheegay inay raysal-wasaaraha Itoobiya ka wada-hadleen arrimo ku saabsan xidhiidhada kala duwan ee ka dhexeeya labada waddan.

IMG_0168Madaxweynaha oo ka war-bixinayey waxyaabaha ay isla soo qaadeen raysalwasaare Desalegn, ayaa sheegay inay isla soo qaadeen arrimo ay ka mid yihiin ammaanka mandaqadda, xidhiidhka ganacsi iyo adeegyada bulshada ee ka dhaxayn kara labada waddan, waxaanu yidhi, “Waxaan u amba baxay dalka Itoobiya ee aynu jaarka nahay, waxaan la kulmay raysal-wasaaraha dalka Itoobiya waxaanu ka wada hadalnay danaha labada dal iyo mandaqadda, si wanaagsana waanu isku afgaranay waxyaalaha aanu ku heshiinay waxa ka mid ah inaanu ka wada shaqeeyno maslaxada mandaqada aynu ku wada nool nahay oo caado inoo ah, waxa kale oo aanu kawada hadalnay sidii itoobiya u isticmaali lahayd dakada berbera, islamarkaana looga wada shaqayn lahaa wadooyinka inoo dhaxeeya, laydhkana wax looga qaban lahaa, nabad gelyadana si wada jir ah mandaqada oo dhan wax uga wada qaban lahayd.”

IMG_0079Waxa uu madaxweynuhu sheegay inay labadooda dhinac isla af-garteen horumarinta iyo sii xoojinta xidhiidhada ganacsi iyo iskaashiga dhinaca ammaanka.

IMG_0075“Si wanaagsan ayaanu iskugu afgaranay arrimahaasi horumarintooda iyo in laga wada shaqeeyo. Itoobiya waa dal-weyn oo aynu jaar nahay oo walaalkeen ah oo wax badan wada qabsan karno, Insha Allaahu is-afgaradkaa waxa raaci doona inaanu fulino labadayda dhinac ama dal,” ayuu yidhi Madaxweynuhu.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories