HomeMadaxweynaha oo Dalka Ku soo Laabtay Kana Hadlay Khilaafka Kulmiye Iyo Musharaxnimadiisa

Madaxweynaha oo Dalka Ku soo Laabtay Kana Hadlay Khilaafka Kulmiye Iyo Musharaxnimadiisa

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...


Hargeysa(SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo iyo weftigii uu hogaaminayay ayaa maanta ka soo degay gagida Caalamiga ah diyaaraddaha ee Cigaal, iyaga oo ka soo laabtay safar ay mudo ugu maqnaayeen dalka dibadiisa. Masuuliyiin tiro badan iyo dadweyne ayaa aad ugu soo dhaweeyay madaarka. Xubnaha labada garab ee Kulmiye ku hirdamaya ayaa iyaguna si weyn uga dhex muuqday soo dhawaynta.

 

Madaxweynaha Somaliland oo hadal kooban ka jeediyay qolka nasashada madaarka Cigaal ayaa yidhi “Waxaan ku faraxsanahay inaan dalkii ku soo nabad noqday. Waxaan ka soo laabtay safar shaqo oo aan ku tagnay dalka Ireland, waxaanu la kulanay hay’addaha iyo madaxweynaha dalkaasi oo na marti qaaday,” ayuu yidhi Madaxweynuhu.

 

Madaxweynaha oo si kooban uga hadlay xafiiltanka musharaxnimada Kulmiye ayaa yidhi “sidaynu ka war hayno waxaa fooda innagu soo haya doorashooyinkii, haddana waxaa taagan shirkii golaha dhexe ee Kulmiye. Sida dalka lagu yaqaano, wadanku waa dimuqraadi, xisbigana waxaa loogu tartami doonaa si dimuqraadi ah oo loo siman yahay. Waxaan xisbiga iyo dawladdaba kula dardaarmayaa in la ilaaliyo midnimada qarannimada, wada jirka iyo anshaxa suuban ee tartanka dimuqraadiga ah iyadoo la dhawrayo xeerarka xisbiga Kulmiye u yaala. Waxaan guud ahaan dadka kula dardaarmayaa ilaalinta nabada iyo wada jirka,” ayuu yidhi Madaxweynuhu.

 

Madaxweynaha Somaliland oo la waydiiyay inuu ka tanaasulay musharaxinimada Kulmiye iyo inuu tartamayo ayaa ku gaabsaday in marka wakhteeda la gaadho “Aniga ha la gaadho wakhtigeeda,” ayuu ku gaabsaday Madaxweynaha Somaliland oo la filayay inuu caddeeyo mawqifkiisa.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories