HomeMadaxweynaha Maraykanka oo u hanjabay hoggaamiyeyaasha xukunka ku dhegsan ee Bariga Dhexe

Madaxweynaha Maraykanka oo u hanjabay hoggaamiyeyaasha xukunka ku dhegsan ee Bariga Dhexe

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Qaahir, (SLpost)- Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa hoggaamiyeyaasha dalalka Carbeed ee xukunka ku dhegsan tusaale wax ku-qaadasho leh ugu tilmaamay dhimashada Mucamar Qaddaafi, isaga oo uga digay inay xukunka ku sii dhegsanaadaan.

blankMr. Obama waxa uu sheegay in dhicitaanka kaligii-taliyeyaasha dalalka Tunisia, Egypt iyo Libya ee uu galaaftay Kacdoonka Guga Carbeed  uu digniin u yahay hoggaamiyeyaasha dalalka Suuriya iyo Yemen oo looga baqayo in xukunkooda tallaabadaas oo kale ku dhammaado.

blank
Bashar al-Asad

Mudaharaadyada ka bilaabmay dalka Suuriya bishii March ayaa ilaa imika galaaftay nolosha 3,000 oo qof kuwaas oo milatariga dalkaasi kula kacay tallaabo bani’aadnimada ka fog.

Xukuumadda Washington ayaa ka dalbatday Bashar al-Asad uu hakiyo cadaadiska uu dadka dimuqraadiyad-doonka ah ku hayo isla markaana uu xukunka ka dego. Sidoo kale, Aqalka Cad waxa uu ku cadaadinayaa madaxweynaha Yemen, Cali Cabdallah Saalax, inuu xafiiska ka tago si uu u dejiyo siyaasadda murugsan ee dalkiisa.

Hoggaamiyaha Maraykanku waxa uu sheegya in dalkiisu la shaqaynayo dawladda ku-meel gaadhka ah ee Libya isaga oo waliba ku booriyey inay si dhakhso leh u hirgeliyaan hannaan dimuqraadiyadda, laakiinse uma ballan qaadin wax taageero ah.

Madaxweynayaashii dalalka Tunisia iyo Masr ayaa noqday kuwii ugu horreeyey ee uu galaafto Guga ka curtay Carabta oo shacbiga dalalkaasi isugu soo baxeen shaaricyada iyaga oo dalbanaya isbeddel xukun.

Somalilandpost.net

Contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories