HomeMadaxweynaha Maraykanka oo sheegay inay Difaacayaan Taiwan haddii Shiinuhu Duulaan Milatari ku...

Madaxweynaha Maraykanka oo sheegay inay Difaacayaan Taiwan haddii Shiinuhu Duulaan Milatari ku qaado

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Shiinaha iyo Taiwan oo Ka jawaabay Hadalka Madaxweynaha Maraykanka

Washington (SLpost)- Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa sheegaysida ay dalkiisa uga go’an tahay inuu difaaco Taiwan haddii Shiinuhu isku dayo inuu awood Milatari ku muquuniyo dalkaas.

Taiwan oo dalka Shiinuhu u aqoonsan yahay Qayb ka mid ah, ayaa xidhiidh ku salaysan heshiis laba geesood ah la leh waddanka Maraykanka.

Madaxweyne Biden oo su’aalo lagu weydiiyey xarunta warbaahinta CNN ee magaalada Washington Khamiistii, waxa uu sheegay inaanay waxba iska beddelin siyaasadda Maraykanka ee Taiwan oo ay u aqoonsan yihiin waddan Madax-bannaan.

blank“Haa, way naga go’an tahay inaanu sidaas samayno,” waxa sidaas ku jawaabay madaxweynaha Maraykanka Joe Biden oo la weydiiyey haddii ay difaacayaan Taiwan oo cago-juglayn iyo hanjabaado uga yimaaddaan dalka Shiinaha oo aaminsan in waddankaasi yahay Qayb ka mid ah dhul-weynaha Shiinaha.

Sida aanu ka soo xigannay wakaaladda Wararka ee Reuters, Madaxweyne Biden waxa uu farriin hanjabaad ah u diray quwadaha adduunka ee Shiinuhu ka mid yahay, isagoo shacabka Maraykanka iyo saaxiibbadoodana u sheegay inaanay ka werwerin awoodda Milatari ee Maraykanka.

“Dadku yaanay ka werwerin awooddayada Milatari maxaa yeelay Shiinaha, Ruushka iyo dunida inteeda kaleba way og yihiin inaanu nahay milatariga ugu awoodda badan ee taariikhda caalamka soo mara,” sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Biden, waxaanu intaas ku daray, “Ma doonayo dagaal qabow oo aan la galo Shiinaha. Waxaan kaliya rabaa in Shiinuhu fahmo inaanaan ka tanaasulayn mowqifkayaga”.

Dalka Maraykanka ayaa khilaafka Shiinaha ku wejahayey siyaasad ka shidaal-qaadanaysa  Heshiis u dhexeeya labada dowladood ee Washington iyo Taipei, taas oo dhigaysa in Maraykanku ku taageero Taiwan inay is-difaacdo haddii weerar kaga yimaaddo Shiinaha.

Afhayeen u hadlay Aqalka Cad ayaa sheegay in hadalka madaxweyne Biden aanu ka dhignayn isbeddel ku yimi siyaasadda Maraykanka, waxase uu ka gaabsaday in hadalka madaxweynuhu si qaldan uga soo baxay iyo in kale.

“Taageerada difaaca Mareykanka ee Taiwan waxaa hagaya ‘Xeerka Xidhiidhka Taiwan’. Waxaanu ilaalin doonnaa ballanqaadkayaga sida uu dhigayo Sharcigu, waxaan sii wadi doonnaa taageerada  is-difaacidda Taiwan, waxaananu ka soo horjeednaa wax kasta oo isbeddel ku keeni kara heshiiskaas,” sidaas ayuu yidhi Afhayeenka Aqalka Cad.

Dhinaca kale,warbaahinta Somalilandpost oo soo xiganaysa wakaaladda wararka ee Reuters, afhayeen u hadlay madaxtooyada Taiwan kaddib hadalka madaxweyne Biden, ayaa sheegay inaanay waxba iska beddelin mowqifkooda ah inaanay Maraykanka ku qasbi doonin faro-gelin milatari haddii weerar kaga yimaaddo Shiinaha.

“Taiwan way ka go’an tahay inay Iskeed isu difaacdo,” sidaas waxa yidhi Afhayeen madaxtooyada Taiwan, waxaanu soo dhaweeyey sida xooggan ee maamulka Biden uga fal-celiyey arrintan.

Dhanka kale, afhayeen u hadlay wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha Jimcihii shalay, ayaa Maraykanka ku boorriyey inuu taxaddar leh uga fiirsado arrinta Taiwan.

“Shiinaha marnaba meel uma bannaana inuu ka tanaasulo arrimaha ku lug leh danaha asaasiga ah”, ayuu yidhi afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Wang Wenbin, isagoo ka digay in Washington ay tahay inay si taxaddar leh uga hadasho arrinta Taiwan.

Waddanka Shiinaha ayaa aaminsan in arrinta Taiwan tahay xiisadda ugu weyn ee khilaafka ka dhex-abuuri karta labada waddan ee ugu Dhaqaalaha badan dunida.

Xiisadda u dhaxaysa Shiinaha iyo Taiwan ayaa xilligan maraysa halkii ugu sareeyey muddo 40 sanno, waxaana toddobaaddadii u dambeeyey jiray dhaq-dhaqaaqyo milatari iyo dhoolatus Shiinuhu ku sameeyey meelo u dhow xuduudka badda iyo Hawada ee Taiwan.

Waddanka Taiwan ayaa Xidhiidh dibloomaasiyeed iyo aqoonsi ka haysta inta badan waddamada adduunka oo Maraykanku u horreeyo, waxaana dalalkaas ka mid ah Jamhuuriyadda Somaliland oo ay ka midaysan yihiin dhinacyada dimuqraadiyadda, xorriyadda iyo madax-bannaanida. Somaliland ayaa xafiis dibloomaasiyeed ku leh magaalada Taipei, halka Taiwan xafiis la mid ah ku leedahay magaalada Hargeysa.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories