HomeMadaxweynaha Maraykanka oo Laalay heshiiska Nabadda ee Taalibaan iyo Shuruudaha Rabitaan ee...

Madaxweynaha Maraykanka oo Laalay heshiiska Nabadda ee Taalibaan iyo Shuruudaha Rabitaan ee labada Dhinac

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Washington (SLpost)- Madaxweynaha Dalka Maraykanka, Donald Trump ayaa sheegay inuu joojiyay heshiis nabadeed oo uu dalkaasi la galay ururka Taalibaan ee ka dagaalada gudaha dalka Afghanistan iyo qaybo ka mid ah Pakistan.

blankMr Trump ayaa bartiisa Twitterka soo dhigay farriin uu ku sheegayo inay aheyd inuu Axadda kula kulmo Madaxweynaha Afgaanistaan, Ashraf Ghani, iyo hogaamiyayaal sarsare oo Taalibaan ka tirsan.

Hasayeeshee waxa uu baajiyay shirkaasi ka dhici lahaa Camp David kaddib markii Taalibaan ay sheegatay inay ka dambaysay weerar dhawaan ka dhacay magaalada Kaabul kaas oo uu ku dhintay askari Ameerikaan ah.

Ninka Mareykanka u qaabilsan wadaxaajoodka Zalmay Khalilzad ayaa waxa uu Isniintii ku dhawaaqay in ‘mabda ahaan’ heshiis nabadeed lala gaadhay Taalibaan.

Waxaanay taasi timid kaddib wada-hadallo sagaal wareeg galay oo u dhaxeeyay Mareykanka iyo xubno matalayay Taalibaan, kulamadaas oo ka dhacay magaalada Dooxa, ee caasimadda dalka Qatar.

Heshiiska qabyada ah ayaa waxaa ka mid ah in Mareykanka uu muddo 20 todobaad gudahii ah dalka Afghanistaan kagala baxo 5,400 oo askari. Sikastaba xaalku ha ahaadee, Mr Khalilzad ayaa sheegay in meelmarinta ugu dambaysa ee heshiiskaasi uu go’aankeeda leeyahay Mr Trump.

Mareykanka waxaa xilligan dalka Afghanistan ka jooga ku dhawaad 14,000 oo askari.

 

Wixii Dhacay Todobaadkii hore

Khamiistii ayey aheyd markii gaari ay Taalibaan ka soo buuxiyeen walxaha qarxa ay ku qarxiyeen magaalada Kaabul halkaas oo ay ku dhinteen 12 qof oo mid uu ahaa askari Ameerikaan ah.

Sidoo kale waxaa halkaasi lagu dilay askari u dhashay dalka Romania oo la shaqeynayay howlgalka Nato ay horkacayso ee dalkaasi ka shaqeeya.

Weerrarka ayaa waxa uu bannaanka soo dhigay cabsida ah in wadaxaajoodka u socda Mareykanka iyo Taalibaan uusan soo afjari karin qulqulatooyinka maalinlaha ah ee dalkaasi Afgaanistaan iyo dhibka soo gaaraya dadka rayidka ahba.

 

Natiijada Dhinac waliba Ka Doonayo Wada-hadallada

Maleeshiyaadka Taalibaan ayaa haatan waxa ay maamulaan dhulkii ugu ballaarnaa ee ay gacanta ku hayeen tan iyo 2001 markaas oo uu Mareykanku dalkaasi xoogga ku galay, waxa ayna diiddan yihiin inay la hadlaan dowladda Afgaanistaan, kuwaas oo ay u arkaan inay dabadhilif u yihiin Ameerikaanka.

Mareykanka marka uu dalkaasi isaga baxo waxa uu Taalibaan ka doonayaa inay u xaqiijiyaan in Afgaanistaan aanan mar dambe loo adeegsan doonin inay saldhig u noqoto kooxo maleeshiyaad ah oo raba inay weerraraan Mareykanka iyo xulafadiisa.

Qaar ka mid ah dadka Afgaanistaan ayaa waxa ay ka cabsi qabaan in heshiiska uu burburin doono xuquuq iyo xorriyad si adag lagu gaaray. Maleeshiyaadka ayaa waxa ay dalkaasi ku soo rogeen shuruuc diimeed oo adag iyagoo haweenka si adag ula dhaqmayay intii ay maamulka hayeen laga soo bilaabo 1996 ilaa 2001.

Ku dhawaad 3,500 oo askari oo ka kala socday ciidammada isbahaysiga caalamiga ah ayaa ku dhintay dalka Afgaanistaan tan iyo markii dalkaasi ay galeen 2001, iyadoo in ka badan 2,300 oo askartaasi ka mid ah ay Ameerikaan yihiin.

Aad ayey adag tahay in la tiriyo tirada dadka ay dhibaatada ka soo gaartay dagaalkaasi, waa rayidka Afgaanistaan, maleeshiyaadka iyo ciidammada dowladduba. Warbixin ay bishii Febraayo soo saartay Qaramada Midoobay ayey ku sheegtay in 32,000 oo qof oo rayid ah dalkaasi lagu dilay. Mac-hadka Watson ee Jaamacadda Brown ayaa sheegaya in 58,000 oo ciidamo ammaan ah iyo 42,000 oo askar iska soo horjeedday ah ay halkaas ku dhinteen.

 

@BBCSomali

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories